Ukraine oo Deeq Raashin soo gaadhsiisay Geeska Afrika

FILE - Wheat grain is seen on the MV Brave Commander vessel from Yuzhny Port in Ukraine as it docks in Djibouti, Aug. 30, 2022. (Hugh Rutherford/World Food Program/Handout via Reuters)

Shixnaddii ugu horreeyay ee qamadi ah oo ka timid Ukraine ayaa Isniintii shalay gaadhay waddanka Djibouti, iyadoo la gaahdsiin doono dalka deriska ah ee Itoobiya, xilli ay gobolka ka jirto abaartii ugu xumayd muddo tobannaan sano ah.

Safaaradda Ukraine ee Itoobiya ayaa xaqiijisay in shixnadda qamadiga Ukraine oo ka kooban 25,000 oo tan ay tahay mid ka duwan dadaalka Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay, kaasi oo maalgeliyay shixnadaha qamadiga ee Ukraine.

Shixnad kale oo dhan 30,000 tan ah toddobaadka danbe ku wajahan Itoobiya, iyadoo Markab saddexaad oo sida 25 kun oo tan oo sarreen ah uu isna ku wajahan yahay Soomaaliya, sida ay sheegtay safaaraddu.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa bishii hore shaaciyay hindise lagu doonayo in lagu gargaaro dalalka ay sida ba’an u saameysay qalalaasaha cunno ee ka jira dunida.

Ukraine ayaa qorsheyneysa in inka badan 60 markab loo dirayo dalalka Ethiopia, Sudan, South Sudan, Somalia, Congo, Kenya, Yemen iyo dalalka kale.

Malaayiin qof oo ku nool Itoobiya, Soomaaliya iyo Kenya ayaa wajahaya gaajo sababo la xiriirta abaarta ka dhalatay markii shanaad oo xiriir ah ay baaqdeen roobabkii, iyadoo colaadaha Itoobiya iyo Soomaaliya ay kaga sii dareen xaaladda.