Waxa laga yaabaa in urur siyaasadeedka Waabari uu dhaan ku biiro xisbiga Waddani oo ah xisbiga ugu balaadhan xisbiyada qaranka Somaliland.

War ay xisbiga Waddani maanta baahiyeen ayay ku sheegeen in wada hadalo ay maanta u furmeen xisbiga Waddani iyo ururka Waabari, ma jiro wax war ah oo intaasi dhaafsiisani, waxase ay labada dhanba ku rajo weyn yihiin in uu arinkaasi guul ku soo dhamaado dhawaan