Waa kuma korneyl Tuke,Sarkaalkii hore oo ka tirsanaa Ciidamadii Dowladdii Siyaad Barre ee dhawaan xabsiga loo taxaabay?

Cornayl Tuke waxaa uu ka mid ahaa saraakiishii sarsare ee Soomaaliya xilligii Maxamad Siyaad Barre

KORNEYL TUKEH

Sarkaal ka tirsanaan jiray ciidamada Soomaaliya oo lagu magacaabo Yuusuf Cabdi Cali ayaa lagu baarayaa gudaha dalka Mareykanka dacwado la xiriira jirdil iyo tacadiyo kale oo la sheegay inuu geystay sanadihii 1980-meeyadii ee dowladdii Siyaad Barre.

Saddex sano ka hor xeerbeegti Mareykan ah ayaa Cali ku xukuntay inuu jirdil u geystay wiil dhallinyaro ah sannadkii 1987-kii – taasoo uu beeniyay.

Xilligii dowladdii Siyaad Barre ee 1980-meeyadii waxaa la sheegay in Soomaaliya ka dhacayay xad-gudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha. Yuusuf Cabdi Cali waxa uu madax ka ahaa guuto ciidan oo caan ah.

Sannado ka dib markii uu ka cararray gobolka, eedeymaha xadgudubyada ayaa mar kale soo kordhayay. Sannadkii 1992-dii Cali ayaa laga soo tarxiilay Kanada ka dib markii markhaatiyo dokumentari ah ay sheegeen inuu amray dilal badan.

Waxa uu shaqo ka helay shirkadda tagaasida ee Uber ee Maraykanka.

Kadib 2019-kii maxkamad madani ah ayaa ku xukuntay inuu bixiyo ganaax nus malyuun dollar ah ka dib markii lagu eedeeyay inuu jirdilay wiil dhalinyaro ah sannadkii 1987kii.

Hadda ninkan oo lagu magacaabi jiray Kornayl Tukeh ayaa la xiray iyadoo baarayaasha Mareykanka ay baarayaan xadgudubyo baahsan oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo ay ku jiraan dil iyo jirdil.

Haddaba waa Kuma Kornayl Tuke?

Kornayl Tuke ayaa taksiile ka ahaa dalka Mareykanka

XIGASHADA SAWIRKA,TUKE

Kornayl Tuke waxa uu ka mid ahaa saraakiishii ciidankii qaranka Soomaaliya ee dowladii Maxamed Siyaad Barre madaxda ka ahaa, Kornaylka wuxuu kamid ahaa sarakiil tababar fiican kusoo qaatay dalka Maraykanka sida uu sheegay qareenkiisa Joseph Peter.

Wuxuu dowladdii kacaanka ka ahaa taliyihii guutada shanaad ee milatariga Soomaaliya, waxaana lagu eedeeyay inuu mas’uul ka ahaa tacaddiyo ka dhan ah bani’aadanimada oo la sheegay in uu ka geystay goboladii waqooyi oo haatan la yirahdo Somaliland.

Dhacdooyinka lagu eedeeyay ayaa la sheegay inay dhaceen sanadihii 1970-meeyadii ilaa 1980-meeyadii, sida ku xusan warqadaha ninka dacwada gudbiyay.

Kornaylkan Soomaaliyeed ayaa loo heystaa dil 30 sanno ka hor dad rayid ah oo loogu geystay Magaalada Gabilay.

Horaantii buburkii Dolwaddii Kacaanka, Tuke wuxu kamid noqday saraakiil sar sare oo qoxootinimo isaga dhiibay wadamada reer galbeedka, gaar ahaan dalka Canada oo dowladda dalkaas ay muddo  kadib ogaatay in loo haysto eedeymo la xariira gobood fallo.

Cornayl Tuke ayaa lagu xukumay inuu bixiyo 500,000 oo doollar oo magdhaw ah

Kornaylka ayaa waxaa uu u wareegay wadanka Maraykanka, kadib markii warbaahinta CBC ee Canada ay baahisay barnaamij lagu soo bandhigay gabood falada loo haystay, waxaana qaabka uu ku tagay dalka Maraykanka ka danbaysay xaaskiisa oo Visa ama dal ku gal usoo dirtay markii ay heshay dhalashada Maraykanka sannadkii 2006.

Xaaskiisa ayaa sidoo kale loo haystay ka been sheegidda qaabka ay ku tagtay Mareykanka.

Dadkii daba tagnaa kornayl Tuke ayaa dacwaddiisa u wareejiyay dalka Mareykanka, waxaana warbaahinta CNN ay sidoo kale baahisay muuqaal la duubay sanadkii 2016, kaas oo muujinaya booliska Maraykanka oo Kornaylka ka kaxaynaya goobtii uu ka shaqaynayay oo ahayd garoonka caalamiga ah ee Dulles ee waqooyiga Virginia.

Tallaabada booliska ayaa timid, kadib markii xubin katirsan Aqalka Virginia ay dalbatay in la cadeeyo sababta qof dambi loo haysto looga shaqaalaysiiyay garoonka diyaaradaha ee gobolkaasi, waxaana ay keentay in shaqada laga eryo.