DAGAALKA LAASCAANOOD
Waa Maxay Dabciga Iyo Dhalankiisa (Nature And Characteristics) Runta Ah Ee Dagaalku?
Dagaalku wuxu leeyahay dabci iyo dhalan ( nature and characteristics) run ah oo loo baahan yahay in la fahmo si loo wajihi karo dhab ahaan. Hadii kale waa la amban kartaa oo meel daran ayaa laga dhici karaa.
Madaxwaynaha muddo-xileeskiisi dhamaaday ma garanayo in ay bes ka tahay, marka uu leeyahay dagaalku joogsan maayo ilaa dhulka la wada xoraynayo. Hadalka Muuse wuxu u dhacayaan in Somaliland shisheeye ku soo duulay oo dhul ka qabsaday tahayna in laga xoreeyo. Laakiin dagaalka Laascaanood dabci ahaan iyo dhalan ahaan maaha ka uu Muuse sheegayo oo waxaynu og nahay in uu yahay dagaal sokeeye oo Somaliland gudihiisa ah uu u dhexeeyo Dhulbahante iyo Xukuumadda ama Dawladda Somaliland. Way jiraan dad ka soo galay xuduudaha Somaliland kana yimi dhul ka baxsan balse kuwaasi saamayn badan ma laha ee tolaayeey iyo qabyaalad ayuun baa keentay sida ay sheegayaan taasina dhaqanka Somalida maaha wax lala yaabo waxay tareen oo micno lihina ma jiro. Kuwan sheegabaya gurmadada hadii uu Madaxwaynuhu nabad la qaato Dhulbahante waa qasab in ay dib ugu noqdaan halkii ay ka kala yimaadeen markoodii hore Dhulbahante ayaana ku filan ee isaga hawl u taal maaha.
Sidaa daraadeed Muuse way caddahay in aanu wax talo ah ama istaraatajiyad ah siyaasad ahaan iyo ciidan ahaan midna ka lahayn sidii loo soo afjari lahaa dagaalka sokeeye ee ka qarxay Laascaanood. Hadii mudnaanta koobaad uu sii lahaa joojinta dhiigga daadanaya wixii siyaasad ahna dib loo dhigto taasi suurogal way noqonayaan mar kastana waa suurogal, balse uma jeedo. Hadii caqligiisu yahay in Dhulbahante reer ahaan uu xoog kaga adkaan karo waa jaahilnimo. Ma jirto cid lagaga adkaan Karo dhulkeeda eh Xisaabta ha ku darsado, oo sidii dhiiggan daadanaya loo joojin lahaa taladeeda ha keeno. Hadii kale diyaar uma aha xal. Laga yaabaa in dagaalkaba aanu doonayn in uu jeegsado waayo wuxu u arkaa caqabahadaha isdabal yeel ee ugu talogalay Doorashada Madaxtooyada, sida doorashada ururada. Xeerka uu hadda wadwado ee Komishanka Doorashada
May be an image of 4 people and hospital