


Wasiirka Wasaaradda Maalgashiga iyo Horumarinta Warshadaha Mudane Siciid Maxamed Buraale, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wefti maalgashi oo ka socda dalka Sucuudiga. Booqashadooda ayaa ku soo beegantay iyadoo ay si weyn u xiisaynayaan caalamku fursadaha maalgashi ee ka jira dalka.
Wasiir Buraale ayaa intii uu kulanka socday waxa uu weftiga warbixin dheer ka siiyey fursadaha maalgashi ee kala duwan ee ka jira guud ahaan dalka, gaar ahaana waxa uu si gaar ah u iftiimiyey faa’iidada kheyraadka dabiiciga ah ee aan weli laga faa’iidaysan.
Waxa kale oo uu carabka ku dhuftay doorka muhiimka ah ee ay dawladda Somaliland ka ciyaarto horumarinta maalgashiga gudaha iyo dibaddaba.
Weftiga Sucuudigu waxa ay aad u danaynayeen maal gashi ay dalka ku samaystaan waxaanay sheegeen in ujeedada socdaalkoodu la xidhiidho sidii ay qiimayn guud ugu samayn lahaayeen fursadaha maalgashi ee Somaliland ka jira





