Wafti Somaliland ka socda oo Itoobiya Kaga Qaybgalay Shir Muhiim ah

Hargeysa(Qaran news)-Masuuliyiinta Wasaaradda Caddaalada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa Dalka Itoobiya kaga Qayb galay Kulanka lagaga hadlayay Danbiyada Badaha ka dhaca.

Weftiga oo uu hogaaminayay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caddaaladda JSL Mudane Mahdi Cismaan Buuri ayaa ka qaybgalay shir lagaga hadlayey dambiyada badaha ka dhaca.

Shirkan oo aya soo qabanqaabiyeen EU-da iyo UNODC, waxa uu ka dhacay magaalada Addis Ababa ee Caasimada dalka Itoobiya, waxaanana lagaga hadlaayey sida loo maxkamadeeyo ama loo baadho dambiyada ka dhaca badaha sida Kalluumaysiga sharci darrada ah, dikhawga badaha, ka-ganacsiga iyo tahriibinta dadka, hubka sharci darrada ah iyo mukhadaraadka.

Shirkan oo ay ka soo qaybgaleen wufuud ka kala socotayd dalal ay ka mid yihiin Djibouti, Itoobiya, Yemen iyo Somaliland, ayaa wasiir-ku-xigeenku furay, waxaannu tobabar muddo toddobaad ah socday u furay xeer-ilaaliyayaasha iyo ilaalada xeebaha dalalkaas.

Kullankan ayaa lagu gorfayn doonaa inta uu socdo, sidii looga hortagi lahaa, dambiyada ka dhaca badaha iyo sidii loo xakamayn lahaa falalka ka soo hor jeeda animga mandaqada iyo xeebaha, kuwaasi oo khatar galin kara isu socodka iyo ganacsiga gobolka.