Sida uu daabbacay Wargeyska The Times of Isreal, madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qorshaynayo in uu Baarlamaanka kala hadlo arrinka qaddiyada Israa’iil gaar ahaanna xidhiidh labada dhinac dhex mara.
Xasan Sheekh ayaa si qarsoodi ah ula kulmay Raysal Wasaarihii hore ee Israel Netanyahu sannadkii 2016kii, sida wargeysku sheegay.
Dib u doorashada Xasan ayay Warbixintu ku sheegtay mid u wanaagsan wanaagsan cilaaqaadka Muqdisho iyo Talviv.
Dhinaca kale, Channel 12ka Israel ayaa sheegay in madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo sannadkan horraantiisii booqasho ku tegay magaalada Washington uu saraakiil Maraykan ah kala hadlay in Somaliland doonayso xidhiidh ay la yeelato Israa’iil, balse aanay Talviv wax jawaaba siin Somaliland.
Wargeyska ayaa sheegay in Bishii May ee sannadkan ay safaaradda Israel ee Faransiisku abaabushay shir ay kasoo qaybgaleen Diblomaasiyiin, Suxufiyiin iyo Ganacsato, kaasi oo diirrada lagu saarayay Iskaashiga Israel iyo waddamada Afrika, shirkaasi ayaa waxaa Somaliland ku matalayay Wasiirkeeda Difaaca.
Xigasho khaalid foodhaadhi.
May be an image of 2 people and text