Wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda Magaalada Laascaanood

Xarunta xuquuqda aadanaha ee Somaliland ayaa xaqiijiyey in 7 qof ay ku dhinteen 21 kalena y ku dhaawacmeen is raasaaseyn ka dhacday magaalada Laascaanood.Xarunta ayaa cambaareysay hubka loo adeegsanaya dadka dibadbaxyada ka dhigaya magaalada Laascaanood.Waxayna ku baaqaday in baaritaan lagu sameeyo wixii dhacay

Waxay ugu baaqeen Somaliland inay xushmeyso xaqa dibadbaxayaasha ee ku aadan in aragtidooda ay cabbiraan.Dhanka kalena, Maalintii 5aad, ayaa waxay mudaaharaado ka socdaan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.Shacabka, ayaa ka cabanaya dilalka qosheysan ee ka dhaca magaaladaas.