Warqaddii dawladda UK ay Somaliland u qortay ee usbuucan uun banaanka u soo baxday, nuxurkeedu waxa uu ku urursanaa hal sadar. “Waa ka xunnahay in aan idinku war gelino in aan 31 March, 2023 joojinayno dhaqaalihii aan ku kabi jirnay barnaamijka amniga ee SSP (Somaliland Security Programme); waxa qalbi-jab na gu riday sidii loo la dhaqmay dadkii rayidka ahaa ee ka qayb qaatay mudaharaadadii June iyo August 2022, iyo kii u dambeeyay ee December 2022 Laascaanood ka dhacay. Hay’ado amni iyo ciidan aan wax is la xisaabtan ahi ka jirin qalad kasta oo ay sameeyaan ma taageeri karno, wixii dambe ee taageero ahi na waxa ay ku xidhnaan doonaan sida amuurtaas wax loo ga bedelo. Sidoo kale, waxa aan dib u eegid buuxda ku samaynaynaa taageerada aan siin jirnay bilayska iyo hay’adaha cadaaladda”. Nuxurkii waraaqdu intaas buu ku ekaa.
Intaas waxa dheer oo la wada ogaa, in Ingiriisku ay sidoo kale hore u joojiyeen taageeradii ay siin jireen kuwa shuftada ah ee RRU loo gu yeedho. Waa is ka cadayd dhiigga daahir ka ah ee dhalinyarta dhabarka iyo madaxa la ga wada toogtay in aanu natiijo la’aan noqonayn, in badani na waa dhimantahay. Gidaaradii dulmigu way soo dumayaan. Dawladda UK iyo jaaliyadda Somaliland ee dadaalka sameeyay ba waa mahadsanyihiin