Wasaaradda Hawlaha Guud oo Bannaynaysa Suuqyada Magaalooyinka
Hargeysa(Qaran news)-Wasiirka hawlaha guud dhulka iyo guriyeynta Mudane Mustafe Maxamuud Cali Bile, ayaa shaaca ka qaadaay in qorshe ay ka wasaarad ahaan doonayaan inay ku baneeyaan dhammaan suuqyada dalka.
Wasiirku waxa uu sheegay in jidadka ay banayntiisa bilaabayaan ay ugu horeysiinayaan ka Wajaale iyo Gobanimo ee magaalada Hargeysa.
Sidoo kale wasaaradda hawlaha guud ayaa magaaladda Wajaale ka bilawday inay banayso waddooyinka xidhan, isla markaana nadiifiso dhamaan intii uu waxyeeladu ka soo gaadhay dabkii baabi’iyay.
Dabkan ayaa baabiiyey meherado ganacsi oo fara badan.
Suuqa Wajaale ee dabku halakeeyay waxa kormeeray wasiiro xukuumadda Somaliland si ay qiimeyn ugu sameeyaan baaxada goobaha ganacsi ee dabku hala keeyay inta ay le’eg tahay.
Gaba-gabadii wasiir Mustafe wuxu faray in ganacsatadu muddo saddex cisho gudaheed ah ay ku furaan barandayaasha, ciddii diida waxa uu ku wargeliyay in ay awood u adeegsan doonaan.