Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Dawladda Israa’iil, Mudane Gideon Sa’ar, ayaa si hab-maamuus diblomaasiyadeed oo sare leh u qaabilay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo weftigii uu hoggaaminayey oo ku guda jira maalintii labaad ee booqashadooda rasmiga ah ee dalka Israa’iil.

Kulanka labada dhinac oo ka dhacay Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Israa’iil ayaa waxa lagu lafo-guray xoojinta xidhiidhka saaxiibtinimo, iskaashiga iyo adkaynta danaha wadaagga ah ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Israa’iil, iyada oo si gaar ah diiradda loo saaray fursadaha iskaashi ee dhinacyada amniga horumarka bulshada, dhaqaalaha, maalgashiga, tiknoolajiyadda iyo kobcinta xidhiidhka labada shacab.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Israa’iil oo kulanka ka jeediyey war-murtiyeed nuxur iyo miisaan diblomaasiyadeed leh, ayaa waxa ay si wadajir ah u adkeeyeen in ay ka go’an tahay sii xoojinta xidhiidhka iyo iskaashiga dhinacyada badan leh ee u dhexeeya labada dal iyo labada shacab, iyaga oo hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay dhismaha iskaashi ku salaysan is-ixtiraam, dano-wadaag iyo horumar waara.

Kulankani waxa uu ka tarjumayaa heerka sii kobcaya ee xidhiidhka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Israa’iil, iyo rabitaanka labada dhinac ee ku aaddan ballaadhinta iyo ka midho dhalinta iskaashi adag oo u adeegaya danaha ay wadaagaan labada dhinac.

Kulankan taariikhiga ahaa kaddib, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Dawladda Israa’iil, Mudane Gideon Sa’ar, waxa uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo weftigiisa ku maamuusay Qado-sharaf ka dhacday Xarunta Wasaaradda.