Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed uu wehelinayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maxamed Yusuuf Ismaaciil ayaa kulan Ballaadhan la yeeshay Ururada Bulshada Rayidka ah ee Somaliland.

Kulankan oo ka qabsoomay Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa lagaga wada hadlay qodobo muhiim ay mid yihiin Arrimaha Doorashooyinka soo socda sidii looga wada shaqayn lahaa, wada shaqaynta Xukuumadda iyo Ururada Bulshada Rayidka ah, in laga wada shaqeeyo Arrimaha Nabadgalyada guud ee dalka iyo in meel la iska wada taago ilaalinta Qarannimada jamhuuriyadda Somaliland.

Qodobadan kor ku xusan ayaab la iskula qaatay kulankan mudadii uu socdey iyadoo Ururaduna ay muujiyeen sida ay diyaarka ugu yihiin in laga wada shaqeeyo arrimaha Qarannimada iyo Dowladdimada.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed ayaa uga mahadnaqay Ururada Bulshada Rayidka ah kulankan ay wada yeesheen Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo doorka muhiimka ah ee ay qaataan nabada iyo horuumarka Dalka.

Cabdillaahi Axmed Caarshe
Agaasimaha Warbaahinta iyo Xidhiidhka Dadeynaha ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL.