Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) oo mudooyinkii u dambeeyey, safar shaqo ku joogay dalka Itoobiya, ayaa maanta kulan la qaatay Madaxwayne ku xigeenka Dalka Itoobiya, Mudane Aadan Faarax, Wasiiru dawlaha Wasaaradda Ganacsiga Mudane Xasan Macallin iyo masuuliyiin kale.

kulankan oo ka dhacay bandhiga carwada dhaqaalaha Itoobiya oo sannad kasta lagu soo bandhigo waxsoosaarka dalka Itoobiya, ayaa waxaa wasiirka ku wehelinayay, Agaasimaha cubsitaalka guud ee Hargaysa iyo qaar ka mid ah masuuliyiinta safaaradda dalkeenu ku leeyahay Itoobiya, masuuliyiinta ayaa soo indho-indheeyey bandhiga carwadan sannadlaha ah ee fadaraalka Itoobiya iyo waxyaabihii lagu soo bandhigay, intaa kadib masuuliyiintu waxay iska xog-waraysteen arrimaha caafimaadka ee labada dal iyo iskaashiga balaadhan ee dhanka caafimaadka iyo sidii loosii xoojin lahaa.