Wasiirka cusub ee Kalluumaysiga oo Kormeeray waaxo ka tirsan Wasaarada

Hargeysa, (Qaran news)-Wasiirka Cusub ee Wasaarada Kalluumaysiga Iyo Horumarinta Xeebaha JSL Mudane Maxamuud Warsame Jaamac ayaa Kormeer Ku Sameeyay Xafiisyadda Waaxaha ay Ka Koobantahay Wasaaraddu.

Agaasimaha guud ee wasaaradda oo wasiirka Kormeerka ku Wehelinaayay Ayaa Mid Mid Ugu Sharaxay Xafiisyadii uu Wasiirku Booqday Iyo Shaqaalahii Ku Sugnaa Iyadoo Wasiirku Shaqaalaha Uga Mahad Celiyay Siday Xafiisyadda Ugu Soo Dhaweeyeen Isagoo Sheegay Inuu Kormeerkiisu Ahaa Mid Is Barasho Iyo Kormeer shaqo Iskugu Jira

Ugu Dambayntii Shaqaalaha ayaa waji Furan Kusoo Dhaweeyay Wasiirka