
WAXA SOO SOCOTA CAASIMADDA SOOMAALIYA OO AH GAROOWE HADDAY PUNTLAD AQOONSATO QARANIMADA S/LAND.
Waxaan soo dhawaynayaa heshiiska hordhaca ah ee ay Wada gaadheen dawlad goboleedka puntland iyo jamhuuriyadda s/land.
I jiid aan ku jiido waa jeenyo daalis puntland dagaal culus oo isir ku salaysan ayay kula jirtay waqti dheer s/land dhaxalkiisiina wuxuu noqday FIRDHIYE arrinka meesha yaallaa ma fududa, iyadoo laga duulayo heshiisyadii wax ku oolka ahaa ee lala galay dawladihii DENI ka horreeyay waa inay kalsooni muujiso reer puntland waa dad ay wadaagaan s/land taariikh fac weyn mid dhaqan oo ay Wada noolaayeen waqti dheer sida taariikhdii la baxday HUWAN ee ay iska garabsanayeen somalida kale, waxa ka dhexeeyay dhaqan guur oo hiddo raac ah,iyo dhaqan dhaqaale oo aamin ah intii aan la samayn waddada laamiga ee boosaaso waxay xoolahoodu yaalleen oo ay degganaayeen burco gaar ahaan suuqal dhabayuco, waxa colaadda horiyay taliskii siyaad barre imminkana caano qubtay dabadood la qabay arrinku waa inaanuu noqon awr ku kicis ama danaysi dhaw ee waa inuu ahaadaa mid fog oo lagaga hor tago balaayada xamar kasoo fufaysa.
Isfahankani haddii ay puntland ka hawl gasho waxa imandoonta garoowe oo noqota caasimadda soomaaliya Labada shacab iminkaba waa isku xuquuq.
MAHADSANID.
CABDI BACAW.
GUUL ALLE.
LONDON.






