Bismillah
Asc
Dhamaan tiin wakhti wanaagsan.
1, Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa madaxweyne Cirro iyo dhamaan golahiisa wasiirada iyo dhamaan bulshada Somaliland.
2, Waxaan xasuusinayaa bulshada Somaliland in ay geed dheer iyo geed gaaban ba u fuulaan midnimadooda,
horu marka wadankooda dhinac kasta iyo hamigooda ictiraaf raadinta.
3, Waxaan xasuusinayaa dhamaan bulshada Somaliland in ay qabyaaladu tahay cudurka ugu wayn ee dibu dhaca bulsho.
4, Waxaan xasuusinayaa bulshada Somaliland in ay boqol kiiba boqol sax tahay in la garab istaago xukuumad kasta oo raacda dariiqa guusha xataa hadii ay wasiirada xukuumadaasi isku wada raas yihiin.
5,Waxaad ogaataan in guusha lagu gaadho oo keliya wada jirka.
6, Waxaan idin kula talinayaa in aad ka dheeraataan aqbalaada nin kasta oo isu kiin soo cumaamaday (SULDAAN BEENEED) waayo, marka uu uugu SHARKA YARYAHAY WUU ISKU KIIN DURAYAA.
7, Xukuumada gaar ahaan wasaarada arimaha guduhu waa inay khadka ka saartaa nin kasta oo is cumaamaday, kana soo saartaa sharci xakamaynaaya.
8, Wasaarada war faafintu waa in ay dembi ka dhigtaa in la waraysto cid kasta oo XAALAD ABUUR iyo isku dir ka hadlaysa.
9, Waa qoraalo is daba jooga oo ku salaysan aqoon iyo waayo aragnimo oo inoo socon doona.
Waxaa diyaariyay
Cabdilqadir Ismaaciil Geelle