𝗛𝗮𝗸𝗮𝗻 𝗙𝗶𝗱𝗮𝗻 𝗶𝗻𝗱𝗵𝗮𝗵𝗮 𝘂𝘂 𝘄𝗮𝘅 𝗸𝘂 𝗮𝗿𝗸𝗼 𝗘𝗿𝗱𝗼𝗴𝗮𝗻
Wixii caawa ka dambeeya, waxay dunidda maqli doontaa codka Hakan Fidan, oo Madaxweyne Erdogan uu caawa u magacaabay Wasiirka Arrimaha dibadda. Si la mid ah sawirradiisa ayaa la heli doonaa, ma jirin sawirro badan oo laga arki jiray. shaqsiyaad arrimaha dibadda ku shaqo leh ayaa sidoo kale u helayaa fursad ay kula hadlaan. Waxaa dhow surtagalnimada baraha bulshada inuu ku soo biiro! Xilli waqti horaba dadweynaha Turkiga ay soo dhaweeyeen magacaabiistiisa, waxay u arkaan ninka beddelaya Erdogan.
Hakan Fidan, waqti dhow wuxuu ahaa shaqsiyaadka ugu saameynta badan ee magacyadiisa mar walba lagu arki jiray xarumaha sirdoonka reer galbeedka, meelaha qaar ee galbeedka, xata wuxuu ahaa qof uga khatar badan Erdogan oo uu yahay gacantiisa middig, ficillo iyo aragtiyo uu leeyahay ayaa sidoo kale la aaminsanyahay inay fursad u siisay Erdogan inuu muddo dheer xafiiska joogo. Horumarrada sirdoonka iyo ciidan ee Turkiga , waa qasab inad ku soo dartid, maaddama fikradihiisa ay u yihiin waddo ay ku socdaan iyo iftiinka mugdiga ka gudbiya.
Waa 55 jir ku dhashay magaalada caasimadda ah ee Ankara. Markii u horreysay ee garabkiisa uu suray astaan qaran iyo calanka Turkiga waxay ahayd 1986, markaa oo uu ciidammada qaranka Turkiga ku biiray.
Fidan waxa uu hagayay Hay’adda Sirdoonka Qaranka ee Turkiga laga soo billaabo 25 ,May 2010 illaa 7 February 2015 markaas oo uu iska casilay xilkiisa si uu ugu sharraxo xubin Baarlamaan, isaga oo ujeedadiisu ahayd in uu matalo AK Party. 9kii Maarso 2015, 30 maalmood ka dib, wuu ka tanaasulay musharraxnimadiisa. Saacado gudahood ayaa dib loogu magacaabay xilkiisa, illaa caawa oo uu noqonayo Wasiirka Arrimaha Dibadda.
Mr Fidan waxaa uu bartay culuumta siyaasadda isaga oo ka qallin-jabiyay Jaamacadda Maryland University College.