Xaaladda guud ee caasimadda Puntland ee Garoowe ayaa maanta kala deggen ka dib dagaalkii shalay ee dhimashada iyo dhaawaca sababay.
Ciidamada dowladda iyo kuwa taabacsan mucaaridka ayaa saaka la kala geeyey xeryahooda sida ay xaqiijiyeen isimmada dhaqanka Nugaal oo xalay dhex dhigey xabbad-joojin.
Isimmada guud ee Puntland ayaa la filayaa in ay saacadaha soo socda soo gaadhaan Garoowe, kol kaas oo la bilaabi doono wada-hadallo dhexmaraya dowladda iyo mucaaridka – iskuhaya furista dastuurka iyo doorashooyinka 2024.