Soomaali ku sugan Khartuum: “Guryaha kama bixi karno, duqeyn xooggan ayaa socota”

Dagaalka Khartuum
Dagaalka Khartuum

Caasimadda dalka Sudan ayaa waxaa ka socda dagaal xooggan oo u dhexeeya milateriga dalkaas iyo ciidamo gaar ah oo loo yaqaano Dacmu Sariic ama gurmadka degdega ah.

Labada ciidan ayaa daacad u kala ah Jeneraal Cabdifitaax al-Burhan iyo Jeneraal Maxamed Xamdan Daqalo oo ah labada nin ee ugu awoodda badan Sudan.

Xaaladda Khartuun ayaa ah mid cakiran, waxaana uu dagaalka xooggiisa ka dhacay garoonka diyaaradaha, inkastoo milateriga uu sheegay inuu si buuxda gacanta ugu hayo madaarka.

Soomaali u badan arday ayaa ku nool Khartuum, waxaana kamid ah Axmed British oo ku jira sanadkii ugu dambeeyay ee waxbarashadiisa.

Waxa uu sheegay in lama filaan ay u ku noqotay in dagaal culus uu ka qarxo gudaha Khartuun xilligan, gaar ahaan iyadoo lagu jiro tobanka maalmood ee u dambeeya bisha Ramadhaan.

“Duqeyn xooggan ayaa nagu socota, guryaha kama bixi karno. Layr iyo biyo waan haysannaa, balse lama oga sida uu xaalka noqon doono. Dadku waa ay ka walaacsan yihiin waxa socda,” ayuu yiri Axmed British oo sidoo kale Sudan uga soo warrama Telefishinka dowladda Soomaaliya.

Waxa uu intaa ku daray in ilaa haatan aan la sheegin cid Soomaali ah oo ay waxyeelo ka soo gaartay dagaalka, ardayduna ay ku sugan yihiin guryaha jaamacadaha iyo deegaannadooda.

Hawlwadeennada caafimaadka ayaa sheegay in ugu yaraan saddex qof oo rayid ah ay ku dhinteen dagaalka, dhaawacana uu intaa ka badan yahay.

“Tan iyo markii xukunka laga tuuray Madaxweyne Cumar Al-Bashiir, waxaa aad isu dhintay tirada ardayda Soomaalida ah ee Sudan wax ka barata. Waxaan kamid ahay dufcadaha ugu dambeeya ee ka sii tegaya jaamacadaha Sudan,” ayuu hadalkiisa raaciyay weriye Axmed British.

Jaamacadaha Sudan ayaa waxaa ka soo baxay Soomaali badan oo qaarkood ay maanta xilal muhiim ah ka hayaan dowladda Soomaaliya.

Dagaalka Khartuum

Maxaa ka socda Khartuum?

Dagaalka ayaa ka socda dhowr aag oo ku yaalla caasimadda Khartuum.

Milateriga ayaa sheegay in dagaalka uu bilowday kadib markii ciidamada gurmadka degdega ah ay weerarreen taliska dhexe ee Khartuum, inkastoo xooggagaas ay beeniyeen eedeynta loo jeediyay.

Madaxtooyada, garoonka diyaaradaha iyo xarunta warbaahinta qaranka ayaa kamid ah meelaha ay sida xooggan rasaastu uga dhacayso.

Waxaa la arkayay diyaaradaha dagaalka oo gantaalo la dhacaya goobo la rumaysan yahay in ay ka dagaallamayaan ciidamada gurmadka degdega ah.

Jeneraal Maxamed Xamdan Daqalo
Jeneraal Maxamed Xamdan Daqalo

Maxaa la isku hayaa?

Labada janan ayaa wixii ka dambeeyay afgembigii dhacay October 2021 waxa ay Sudan ku xukumayeen gole ka kooban taliska milateriga.

Xooggaga Dacmu Sariic waxa ay si toos ah uga amar qaataan hogaamiye kuxigeenka golaha, Jeneraal Maxamed Xamdan Daqalo, halka milateriga uu u taliyo Jeneraal Cabdifitaax al-Burhan oo ah madaxa golaha talada haya.

Heshiis ku aaddan in xukunka lagu celiyo dowlad rayid ah ayaa socon waayay kadib markii ay labada janan isku khilaafeen qaabka ciidamada gurmadka degdega ah loogu biirinayo milateriga Sudan.

Ciidanka gaarka ah ayaa doonaya in ku biiridda ay dhacdo 10 sano kadib, hase yeeshee milateriga ayaa doonaya in hawsha lagu soo gebagabeeyo laba sano gudahood.

Beesha caalamka ayaa muddo waday dedaal lagu dejinayo xiisadda ka taagan Sudan iyo sidii xukunka loogu dhiibi lahaa xukuumad rayid ah.

Maraykanka iyo Britain ayaa sheegay in ay ka walaacsan yihiin dagaalka ka socda Khartuum, loona baahan yahay in xaaladda la dejiyo.