Xashiish Gubtay oo halis gelin Gaadhay Huteel ku Yaalla Hargeysa

Hargeysa(Qaran)-Huteelka lagu magacaabo Mega Plaza oo ku yaala magaalada Hargeysa ayaa maanta dhinaciisa dambe ee xigta dooxa weyn ee Hargeysa dab dhir iyo xashiish ka kacay, kaasi oo halis galiyay huteelka gaar ahaan Qaybta Cunto karinta.

Ciidamada Dabdemiska Hargeysa ayaa damiyay dabkaa oo halis galiyay hantida huteelkaas oo ah goob bulsho badan iskugu timaado.Ma Jirin khasaare ka dhashay goobtaas.

Ciidamada Booliska ayaa iyaguna hawlgalkaa kala qayb qaatay ciidanka Dabdemiska.