Xiisad cusub oo ka dhex istaadhantay Turkiga & Wadamo Midowga Yurub ka tirsan

Erdogan

Dagaalka uu Ruushku ku qaaday dalka Ukraine 24-kii bishii February waxa uu abuuray walaac ay dalalka qaarkood ka qabaan amnigooda, gaar ahaan waddamada ku yaalla qaaradda Yurub.

Suurtagalnimada in dagaalkan – oo ah kii ugu waynaa ee Yurub ka dhacay tan iyo Dagaalkii Labaad ee Adduunka – uu ku fido waddamo kale ayaa dhalisay walwal amni oo soo food saaray dalalka aan xubnaha ka ahayn Isbahaysiga uu Mareykanku hoggaamiyo ee NATO.

Tan iyo markii Ukraine la weeraray, dalkii ugu horreeyay ee dalbada in uu Nato ku biiro waa Finland, oo xuduud dhirirkeedu yahay 1300 oo kiiloo mitir la wadaaga Ruushka. Finland waxa ay doonaysaa inay ka faa’iidaysato qodobka 5-aad ee gaashaanbuurta Nato oo ku saabsan sugidda amniga saaxiibbada.

Sweden ayaa noqday dalka labaad ee soo raaca jidka uu maray waddanka ay deriska yihiin ee Finland, waxayna dowladda Sweden sidaas kusoo afjartay dhaqan u yaallay muddo 200 oo sano ah oo dhigaya inay dhexdhexaad ahaato.

Tallaabada labadan dal waxaa loo arkaa mid taariikhi ah, Mareykanka ayaana durba ku dhawaaqay in uu si buuxda u taageersan yahay rabitaankooda.

Hase yeeshee, Turkiga oo xubin muhiim ah ka ah NATO ayaa hor taagan in Finland iyo Sweden ay ka mid noqdaan Nato, taasoo xiisad cusub ka dhex abuurtay dhinacyada.

Madaxweynaha Finland, Sauli Niinisto iyo boqorka Sweden Carl Gustaf oo ku kulmay Stockholm
Madaxweynaha Finland, Sauli Niinisto iyo boqorka Sweden Carl Gustaf oo ku kulmay Stockholm

Ujeeddada ay Ankara u diiddan tahay isku dayda labada dal ee reer Yurub waa in ay dalalkaas ka mid yihiin dowladaha taageera kooxaha PKK iyo YPG oo Turkiga looga arko ururro argagixiso ah.

Madaxweyne Recep Tayyib Erdogan ayaa si kulul uga hadlay mowduucan, isagoo sheegay “in uusan marnaba aqbali doonin in kooxo argagixiso ah ay qayb ka noqdaan Nato”.

Mowqifka Turkiga ayaa albaabka u furay xasarad cusub oo ka bilaabatay isbahaysiga Nato gudihiisa. Waxaase su’aalo la iska waydiinayaa sida ay dalalkan iyo xunbaha kale ee Nato arrinta uga dhaadhicin karaan Turkiga.

Muxuu Turkiga uga soo horjeestay rabitaanka Finland iyo Sweden?

Turkey oo Nato xubin ka ahaa tan iyo sanadkii 1952-kii waxa uu mar walba mowqif ka taagnaa isla markaana taageeri jiray hannaanka albaabka furan ee NATO, oo waddamo badan uu kusoo dhaweeyay.

Xitaa xilligii uu socday Dagaalkii Qaboobaa ee dunida waxa uu aqbalay in isbahaysiga ay kusoo biiraan waddamo horay uga tirsanaan jiray Midowgii Soviet ee Ruushka, kuwaasoo kusoo qulqulay gaashaan buurta intii u dhaxaysay 1999-kii ilaa 2004-tii.

 

Mareykanka ayaa si buuxda u taageeray dalabka Finland iyo Sweden
Mareykanka ayaa si buuxda u taageeray dalabka Finland iyo Sweden

Balse sababta uu u diiddan yahay isku dayda Sweden iyo Finland waa in labadan waddan ee reer Scandinavia aysan taageersanayn dagaalka uu Turkiga kula jiro kooxaha uu ugu yeero argagixisada iyo waliba in ay si buuxda u garab taagan yihiin jabhadda YPG ee ka dagaallanta waddanka Suuriya, qaybtana ka ah ururka PKK.

Xukuumadda Ankara ayaa Finland iyo Sweden ku eedeysa inay marti geliyaan xubnaha PKK.

Waxa uu Turkiga sidoo kale Sweden ku eedeeyaa in ay qalab militeri iyo dhaqaale ku caawiso dagaalyahannada kooxda YPG.

Isagoo taas ka aargoosanaya ayuu Turkigu ku gacan sayray dalab ay Sweden ku doonaysay in loo soo gacan geliyo 21 qof oo ay dambiyo u haysato, halka Finland uu u diiday inuu ku wareejiyo 12 oo ay doondoonayso.

Labadan waddan ayaa horay Turkiga ugu soo rogay cunaqabatayn dhanka hubka ah kaddib markii ay Ankara billowday howlgalka militeri ee waqooyiga Suuriya sanadkii 2019-kii.