Somaliland waxay ku naaloonaysay nabad in muddo ah. Maxaa is bedelay?

In ka badan 25 sano oo xasillooni ah ka dib, Somaliland – oo ah gobol ka go’ay waqooyiga Soomaaliya oo doonaya aqoonsi caalami ah – waxaa hareeyay iskahorimaadyo hubeysan. Dagaalladii ugu xumaa ee dhacay Febraayo 2023, ku dhawaad ​​100 qof ayaa lagu dilay laba toddobaad gudahood.

Dagaalkan hubaysan iyo rabshadahan ayaa salka ku haya waqooyiga magaalada Laas Caanood. Halkan, 26-kii Diseembar 2022, Mudaaharaad ka dhashay toogasho lagu dilay Siyaasi da’yar oo caan ka ahaa deegaanka ayaa horseeday 20 dhimasho ah oo ay geysteen ciidamada ammaanka Somaliland.

Mudaaharaadku waxa uu markiiba isu bedelay kacdoon dadweyne oo ay dad beesha Dhulbahante ahi ku doonayeen in ay dib ula midoobaan Soomaaliya. Dagaal khasaare geystay ayaa dhexmaray maleeshiyo beeleedyo ka mar qaata waxgaradka Dhulbahante iyo ciidamo ka tirsan militaryga Soomaliland.

Si ka duwan koonfurta Soomaaliya, Somaliland waxay ku naaloonaysay nabad ilaa dhammaadkii 1990-aadkii. Waa markii ay is-qabqabsi ka dhex aloosnaa beesha ugu weyn Somaliland – Isaaq – ay ku dhammaatay heshiis nabadeed, oo ay garwadeen ka ahaayeen qaar ka mid ah beelaha aan Isaaqa ahayn.

Dagaaladii hore ee hubaysnaa ee Isaaqa ka dhex dhacay waxa ay salka ku hayeen cidda maamulaysa dhaqaalaha iyo siyaasadda oo wakhtigaas daciif ahaa. Laakin hadda waxaa halis ku jira guud ahaan dawladnimada nidaamka qaranimada Somaliland oo sumcadda caalamka ku kasbaday balse aan aqoonsi helin. Doorashada Madaxweynaha oo lagu waday inay qabsoonto bisha November ee sanadkii hore ayaa dib loo dhigay, mana jirto waqti cusub oo loo qabtay.

Waxaan todobadii sannadood ee u dambeeyey si aan kala go’ lahayn uga shaqaynayey caasimadda Somaliland ee Hargeysa, anigoo markii hore macallin marti ah ka ahaa iyo ugu dambayntii oo aan macallin ka noqday Jaamacadda Hargeysa (2016-2023). Laakiin weligay maan dareemin xasarad beeleed lamid ah midii aan dhawaan u arkay Somaliland.

Xiisadaha ka taagan Somaliland ayaa laga dareemayaa waddooyinka caasimadda Hargeysa iyo sidoo kale magaalada Berbera ee xeebta Gacanka Cadmeed iyo magaalooyinka kale.

Aragtidayda qawmiyadeed, xididdada colaadda hubaysan ee siyaasadeed waxay ka qoto dheer tahay colaad la xidhiidhta kuwa taageersan midawga –ee raba in inay dib ula midoobaan koonfurta Soomaaliya – iyo kuwa ka soo horjeeda midnimada. Waxa ka mid ah saluug dhaqaale iyo mid siyaasadeed oo is biirsaday oo dhawr beelood oo darafyada ka soo jeedaan iyo in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu awood ku leeyahay talada dalka, taas oo ka duwan hab-heshiisiineed oo uu ku dhaqmo maamulkii isaga ka horreeyay.

Madaxwaynuhu waxa uu xilka sii hayn doonaa wax ka badan mudadiisa dastuuriga ah, iyada oo awooda la kordhiyey uu muran ka dhex abuuray golaha madax dhaqameedka.

Yaa door ka caayaaraaha isku dhacyadda?
Qabiilku waa aaladaha muhiimka u ah siyaasadda gudaha Soomaalida. Waxay caawiyaan ciyaartoyda siyaasadda doonaya inay ku guuleystaan ​​​​ama kuwa doonaya in ay sii haystaan kursiga.

Tan iyo doorashadii u dambaysay ee dhamaadkii 2017, qabiiladda Darafyada waxa ay si joogto ah farta ugu fiiqeen la’aanta awood-qaybsiga saxda ah ee siyaasiyiinta beesha Sacad Muuse ee fadhigoodu yahay Hargeysa. Madaxweyne Biixi waxa uu ka soo jeedaa beeshan. Xilal wasiirnimo iyo agaasimeyaal sare oo beeshaan lagu taxay ayaa kicisay dareenka beelaha kale ee darafyadda dega Soomaliland.

Taariikh ahaan, Sacad Muuse waxay ahaayeen ganacsato. Maanta, ma aha oo kaliya ganacsiga ee sidoo kale waa hagayaasha siyaasadda Somaliland. Waxay maamulaan awoodda iyo kheyraadka dowladda si kali ah. Beeshan Muuse Biixi ka sakow waxay leedahay afar wasiir iyo wasiir ku xigeen iyo sidoo kale taliyaha ciidamada qalabka sida iyo xeer ilaaliyaha guud. Waxa kale oo ay gacanta ku hayaan ganacsigii faa’iidada lahaa ee ka jira xuduudka Wajaale oo ah xudunta dhaqaale ee ugu muhiimsan Somaliland.

Somaliland waxay cagta saartay jidkii Siyaasad xumida. Hadal haynta gooni goosadka wuxuu ku socdaa isbeddel degdeg ah. Haddaba, Somaliland waxaad mooddaa inay la mid tahay Koonfurta Soomaaliya oo sannado badan ku suntaneed dagaallo iyo colaad joogto ah.

Maxaa xiga?
Rabitaanka gubanaya ee madaxda Somaliland waa inay xaqiijiyaan xudduudaha u calaamadsan waqooyi-bari Soomaaliya, oo ah xuduud ay sameeyeen maamulladii Ingiriiska iyo Talyaanigu dabayaaqadii qarnigii 19-aad. Colaadda hadda jirta – oo ay halis ugu jirto in dhul la waayo – ayaa khatar ku ah mustaqbalka siyaasadeed ee Somaliland. Haddii Laas Caanood ay u baxdo dhinaca maleeshiyo beeleedka Dhulbahante, maamulka Somaliland dacwadda aqoonsiga caalamiga ah ayaa sii wiiqmi doonta.

Sababtaas awgeed, Muuse Biixi iyo hareerihiisa hoose waxay raadinayaan guul ciidan si ay dib ugu qabsadaan Laas Caanood. Maamulka Somaliland ayaa bilaabay in ay madaafiic ku garaacaan guryaha dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay. Ciidamadooda ayaa ka howlgala xeryo ciidan oo ku yaala deegaanada ay dadku ku badan yihiin ee dhaca duleedka Laas Caanood, iyagoo halis geliya nolosha dadka rayidka ah.

Aqoonsiga caalamiga ah lama siin Somaliland sababtoo ah inta badan beesha caalamka – waxa loogu yeero “saaxiibada Soomaaliya” – waxay u jeedaan inay ilaashadaan midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, sida ku cad go’aamo isdaba joog ah oo Qaramada Midoobay ka soo saartay Soomaaliya.

Sannado badan, sawirka Somaliland ee adduunka oo dhan wuxuu ahaa mid nabadeed. Tani waa inkastoo dadka u ololeeya iyo indheergaradka dimuqraadiyadda iyo matalaadda jamacaha iyo sidoo kale codadka warbaahinta dhaliila la xakameeyey. Ilaa iyo inta nabaddu jirto, waxa soo if baxay rajo ah in riyada dawladnimo ay rumoobi weydo. Colaadda Laas-caanood waxay damin lahayd rajo kasta oo arrintan laga qabo.

Iyadoo aanay muuqaan in khilaafka Laascaanood uu dhamaan doono xili dhow, waxa ugu weyn ee guul-darraystay waxa noqon doono Madaxweyne Biixi.

sababtoo ah wuxuu ku guuldaraystay in uu si cad u qeexo jadwalka doorashooyinka iyo si uu Somaliland uga badbaadiyo tafaraaruqa in uu la fadhiisto Ugaasyada beelaha Laas-caanood, rajada laga qabo in tan danbe dhacda ayaana u muuqata mid quus ah.