Hargeysa,(Qaran news)-Xildhibaan Caydiid Cabdi Maxamed oo ka tirsan golaha guurtida JSL, ayaa guddoomiyaha Golaha Guurtida ka difaacay edaymo uga yimi siyaasi Cali Gurey oo uu xildhibaanku sheegay inuu caadaystay maagistiisa iyo inuu ka sheego wax aan jirin.

Waxaanu xildhibaanku ugu baaqay Siyaasi Cali Gurey inuu ka waantoobo hadalada qadafka ah ee uu masuuliyiinta qaranka mar marinyo.

Xildhibaan Caydiida ayaa sidoo kale sheegay in ka gole ahaan ay ansixinayaan xeerarka Doorashooyinka ee ay bulshada iyo dalkuba ku heshiiyay, waxaanu ugu baaqay bulshada in aanay sas ka qaadin mudad bisha ah ee guddida la siiyay oo uu sheegay kaliya in ay sugaan ansixinta qaabkii bulshadu soo dhawaysay ee heshiiska lagu wada ahaa waxaanu yidhi.