Hargeysa. (Qaran news)-Xildhibaanada British-ka ee booqashada ku jooga Somaliland oo ay ka midka yihiin Alexander Stafford and Tim Loughton ee Sadexdii cishe ee ugu danbeeyay la kulmaayay laamaha kala duwan ee dawlada iyo xildhibaanada dhigooda ah ee reer Somaliland ayaa aad uga helay nabada iyo horumarka ay qabsadeen reer Somaliland iyaga oo isku duuban oo aan caawimo iyo taageero dibadda uga timaadaa ayna jirin
Waxa ay hadaba aad uga yaabeen markii ay shalay socdaal lug ah ku soo mareen suuqyada Hargeysa isla markaana ay arkeen haween suuqa badhtankiisa ku iibinaaya Dahab iyada oo aan cidna ilaalinaynin.
Dahabka iyo lacagaha qalaad ee sariflayaashu kalla badalayaan ee ay arkeen ayaa kor u dhaafaysa boqolaal kun oo dollar iyada oo aan wax ilaalo ahi ilaalinayn oo ay dumarka Dahabka gadayaa ay si xor ah oo aamin ah uga dhex ganacsanayaan.
Arinkani ganacsi ee amaanka ah kama suurta gali karo magaalooyinka caalamka oo ay ku jiraan London iyo Newyork