Xisbiga WADDANI oo Ka Hadlay Fadeexada KULMIYE ka Raacday Maayarkii ay Hafreen
Hargeysa(Qaran news)-Xoghayaha Warfaafinta XIsbiga WADDANI Maxamuud Aadan Jaamac Galaal, ayaa sheegay in la bartay wax uu ku tilmaamay beenta Xukuumadda, kadib markii ay ka been sheegeen Maayar Cabdikariin Axmed Mooge oo ay tilmaameen inuu ku jiro liiska golaha dhexe ee KULMIYE.
Xoghaye Galaal oo caawa qoraal soo saaray waxaanu is weydiiyay sida Xukuumadda KULMIYE loo rumaysan karo haddii ay ka been sheegayso masuul xaadir ah oo dalka ku sugan.
Qoraalkiisuna wuxuu u qornaa sudan:-
“Beenihii toddobaadkan waxay Xukuumadda KULMIYE ku dareen maayar Cabdikarim Axmed Mooge oo xay ah in ay hafraan oo ka been abuuraan.
Maayarku si cuddoon ayuu arrintaa uga jawaabay isla markaasna Xukuumadda Muuse Biixi u qaawiyey.
Sidee markay xaaladaha adag ee uu dalka jiro ama masiirka, mustaqbalka iyo hantida dalka ka hadlaan loo rumaysanayaa? Xaqiiqadu waa xukuumaddan Kulmiye shacabweynaha JSL wey ka aaminka baxeen. Dibna wax looga qori maayo.
Khilaafka siyaasadeed waxa keenay doorashooyinkii ay sannadkii hore is daba mariyeen. Khilaaf siyaasadeedkaa bulshadii bay kala irdheeyeen dalkiina way kala dhantaaleen. Waxay arrintaasi ahayd qorshe ay xukuumadda Kulmiye ugu talo gashay. Iminkana Muuse Biixi hadalkiisa gole-ka-fuulka ee uu fagaarayaasha isla soo taago waa hadal khilaafka iyo dhibaatooyinka taagan sii hurinaya.”