Xisbiyada UCID & WADDANI oo ka Cudur-daartay Kulanka Madaxweynuhu ugu Yeedhay

Hargeysa(Qaran news)- Labada xisbi mucaarid ee WADDANI iyo UCID ayaa la sheegay inay ka cudurdaarteen kulankii madaxweyne Muuse ku martiqaaday maalinta Beri ee Arbacada ah, kaasi oo ku sheegay in lagaga hadli doono arrimaha doorashooyinka.

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xisbiyada mucaaridka ah, hase ahaatee ilo looga qaateen ah ayaa sheegay in xisbiyada mucaaridka ahi aanay tagi doonin oo ay ka cudur-daarteen.

Waxa la sheegay in xisbiyadu ay u arkaan in madaxweynuhu shalay uu digreeto ku soo saaray wakhtigii komishanku hore ugu cayimeen doorashooyinka Ururrada iyo Madaxweynaha ee khilaafku ka taagnaa.

Sidaas darteedna ay u arkaan in aanay wax natiijo ah oo midho-dhal ahi ka soo bixi doonin martiqaadka madaxweynuhu u fidiyay labadaas xisbi oo u arka inuu wado doorasho aan la isla oggolayn isla markaana lahayn sharcigeedii.

Waxa dalka ka aloosan xiisad siyaasadeed iyo muran dabadheeraaday oo ku wajahan doorashooyinka, kaasi oo sababay in xataa jabhad ay kaga dhawaaqeen buurta Gacanlibaax dhallinyaro ka soo horjeeda kursi isku dhejinta madaxweynaha.