XOG :- Madaxweyne Muuse Biixi ayaa la filayaa in maalmaha soo socda uu magacaabo masuulyiin cusub oo ka soo jeeda Gobalka Sool .
Madaxweynaha ayaa magacaabi doona dhawr wasiir oo cusub , Wasiir ku xigeeno , Wasiirul Dawlayaal iyo Badhasaab , halka uu xilalka ka qaadi doono Wasiiro hore xukuumadiisa uga tirsanaa oo ka soo jeeda Gobalka Sool
Sidoo kale waxaa xilal cusub la filayaa in loo dhiibo saraakiil ciidamada ka tirsan oo ka soo jeeda Gobalkaas .
Sababta uu madaxweyne Biixi talaabadan u qaadayo ayaa lagu sheegay sidii uu xaalada Magaalada Laascaanood u dejin lahaa .
May be an image of 1 person and sitting