𝐌𝐚𝐠𝐚𝐜𝐲𝐚𝐝𝐢𝐢 𝐃𝐡𝐮𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝: Sooyaal 11 Kun oo sanno ah !!
Sida ay ku xuseen Buugga Pastoral Democracy taariikhyahanada waawayn ee Siciid Samatar iyo I.M. Lewis, kelmada ama magaca “Soomaali” maaha mid da’weyn marka laga hadlayo taariikhda qoran oo waxaa qoraal laga heli karo u horaysay qarnigii 15naad. Somaliland oo ah goob facwayn oo taariikh badani ka lunsan tahay magacyadii loo diwaangeliyay waxaa ka mid ah:
𝟏. 𝐃𝐡𝐮𝐥𝐤𝐢𝐢 𝐈𝐥𝐚𝐚𝐡𝐲𝐚𝐝𝐚 (𝐓𝐚 𝐍𝐞𝐭𝐣𝐞𝐫) 𝐢𝐲𝐨 𝐋𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐟 𝐏𝐮𝐧𝐭 (𝐃𝐡𝐮𝐥𝐤𝐢𝐢 𝐔𝐝𝐮𝐠𝐚): 4500 sanno ka hor ayay u yaqaaneen masaaridii hore labbadan magac waxayna ahayd meel ay ka barakaystaan.
𝟐. 𝐌𝐚𝐜𝐫𝐨𝐛𝐢𝐚 (𝐂𝐢𝐦𝐫𝐢 𝐃𝐡𝐞𝐞𝐫𝐚𝐲𝐚𝐚𝐥): 2,550 sanno ka hor ayay magacan u xuseen Giriigu waxaana lagu sheegaa inay ahayd Somaliland, waa dhul ay ku noolaayeen dad hodan ah, qorqoran, dhaadheer oo aad u cimri dheeraa.
𝟑. 𝐌𝐚𝐥𝐚𝐨 (𝐁𝐞𝐫𝐛𝐞𝐫𝐚), 𝐀𝐯𝐚𝐥𝐢𝐭𝐞𝐬 (𝐙𝐞𝐢𝐥𝐚), 𝐌𝐮𝐧𝐝𝐮𝐬 (𝐗𝐢𝐢𝐬), 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐜𝐚𝐧𝐧𝐞 (𝐌𝐚𝐲𝐝𝐡): 1970 sanno ka hor, Giriigu mar kale waxay ku xuseen inay Somaliland ka jireen magaalooyin ganacsiyeed qani ah oo ay ugu mudnaayeen Saylac iyo Berbera.
𝟒. 𝐋𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐟 𝐏𝐨-𝐩𝐚-𝐥𝐢 (𝐁𝐞𝐫𝐛𝐞𝐫𝐚): 1,660 sanno ka hor taariikhyahanka Shiinaha ah ee Tuan Ch’eng-shih wuxuu ku magacaabay Somaliland dhulkii Berberiyiinta, waa markii ugu horaysay ee Shiinuhu Afrika yimaado waana barta ay u aqoonsan yihiin inuu ka bilaabmay xidhiidhka Africa iyo Shiinuhu.
𝟓. 𝐈𝐟𝐚𝐭 𝐒𝐮𝐥𝐭𝐚𝐧𝐚𝐭𝐞 / 𝐙𝐞𝐢𝐥𝐚 𝐒𝐮𝐥𝐭𝐚𝐧𝐚𝐭𝐞: 800 sanno ka hor
𝟔. 𝐀𝐝𝐚𝐥 𝐒𝐮𝐥𝐭𝐚𝐧𝐚𝐭𝐞: 600 sanno ka hor
𝟕. 𝐁𝐫𝐢𝐭𝐢𝐬𝐡 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝: 1884 – 1960
𝟖. 𝐒𝐭𝐚𝐭𝐞 𝐨𝐟 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝: 26 June – 1 July 1960
𝟗. 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐚: 1960 – 1991
𝟏𝟎. 𝐑𝐞𝐩𝐮𝐛𝐥𝐢𝐜 𝐨𝐟 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝: 1991 – hadda
Dr Cabdiqani Muse Xasan





