Maraykanka oo walaac ka qaba in Israa’iil ay ‘basaasnimo’ ku wado isaga
Warbaahinta Mareykanka ayaa ku warameysa in Pentagon-ka uu sare u qaaday khatarta sirdoonka Israa’iil oo gaartay heerkii ugu sarreeyay sababo la xiriira walaac laga qabo howlaha basaasnimada.
NBC News ayaa ku warantay, iyadoo soo xiganeysa saraakiil Mareykan ah, in Hay’adda Sirdoonka Difaaca ee Pentagon-ka ay ka digtay in awoodda Israel ay “ku sameyso basaasnimada bani’aadamka iyo ururinta sirta iyadoo ku tiirsan tignoolajiyada ay gaartay heerar ‘muhiim ah’.”
NBC ayaa sheegtay in isbedelka heerka khatarta sirdoonka uu ku soo beegmayo iyadoo laga walaacsan yahay dadaalka Israel ay ku basaaseyso saraakiisha Mareykanka si ay wax uga bartaan “baaritaannada gudaha ee maamulka Trump iyo go’aannada la xiriira iskahorimaadyada Bariga Dhexe.”
Dhanka kale, New York Times ayaa sidoo kale sheegtay in hay’adaha sirdoonka Mareykanka ay walaac ka muujiyeen warbixinnadii ugu dambeeyay ee ku saabsan dhageysiga taleefoonnada Israa’iil ee saraakiisha Mareykanka, oo ay ku jiraan dhageysiga taleefoonnada Steve Whittaker, oo ah wakiilka ugu sarreeya ee Donald Trump ee wada-xaajoodka Iran.
Labada wargeys ee New York Times iyo NBC ayaa sheegay in Pentagon-ka uu diiday inuu ka hadlo arrintan; Sarkaal ka tirsan Aqalka Cad ayaa arrintaasi beeniyay, waxaana afhayeen u hadlay safaaradda Israa’iil ee Washington uu beeniyay inay wax basaasnimo ah ku sameeyeen Maraykanka.
Bbcsomali





