Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada JSL ku qaabilay Madaxii Hay’adaha UN-TA ee Somaliland, Mr. Tedla M.Damte, oo xilka ka sii degaya.

Madaxweynaha ayaa masuulkan si weyn ugaga mahad naqay dedaalkiisa, hoggaamintiisa iyo wax-qabadka muuqda ee uu ku soo kordhiyey muddadii uu ka shaqaynayey Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan mashaariicda horumarineed ee waxtarka u leh nolosha bulshada JSL, sida ka wada shaqaynta amniga iyo xasilloonida, Dawlad dhiska, adkaynta wada shaqaynta Hay’adaha Xukuumadda, mudnaanta carruurta iyo da’yarta, Waxbarashada, Caafimaadka, Biyaha, iwm.

Isaguna dhankiisa Mudane Tedla M. Damte ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland si mug leh ugaga mahad naqay qaabilaadda iyo kulamadii kala duwanaa ee uu la yeeshay Madaxweynaha JSL. Sidoo kale, waxa uu Madaxweynaha ku bogaadiyey hoggaamintiisa quman, waxana uu yidhi:

“Mudane Madaxweyne, waxa aan si gaar ah kuugu mahadnaqayaa kalsoonida, wada-shaqaynta iyo furfurnaanta aad ii muujiseen muddadii aan ka shaqaynayey Somaliland. Waxa ay ii ahayd sharaf weyn oo ku suntan sooyaalkayga shaqo in aan la shaqeeyo oo aan garab istaago Dawladda iyo Shacabka Jamhuuriyadda Somaliland.”

“Mudane Madaxweyne, waxa aan Somaliland imid aniga oo ah Madaxa Hay’adda UNICEF ee dalka Somaliland, balse waxa aan ka tagayaa aniga oo dareemaya in aan ahay saaxiib dhab ah oo ay Somaliland leedahay.”

Waxa iyaguna kulanka hadallo kooban ka soo jeediyey Wasiirka Madaxtooyada JSL Mudane Khadar Xuseen Cabdi iyo Dr. Fatima Maxamed lsmaaciil oo ah Madaxa ku-simaha Xafiiska Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) ee Somaliland.

Mudane Tedla M. Damte waxa uu Madaxweynaha u sheegay in muddadii uu ka shaqaynayey Jamhuuriyadda Somaliland arrimaha sida weyn u soo jiitay ay ka mid yihiin adkaysiga, himilada iyo go’aanka adag ee Shacabka iyo Dawladda Somaliland ay ugu heelan yihiin in ay mustaqbalkooda ku dhistaan nabad, wada-hadal, dulqaad iyo iskaashi.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu Mr. Tedla M. Damte u rajeeyey guul iyo mustaqbal wanaagsan hawlaha iyo masuuliyadaha uu mustaqbalka qaban doono meel kasta oo uu tagaba.