Inta badan guryaha Soomaalida ayaa waxaa caan ka ah shididda uunsiga amaba cuudka, kuwaasoo siyaabo kala duwan loo carfiyay.

Meelaha kale, bulshooyinka qaar inta lagu jiro ciidaha iyo munaasabadaha barakaysan, dad badan ayaa guba ulo uunsi ah si ay u bixiyaan ur wanaagsan oo ay guriga ugu keenaan jawi deggenaan ah.

Gaar ahaan haweenka ka soo jeeda deegaannada xeebaha ee Bariga Afrika, waxay si weyn u jecel yihiin sababo la xiriira dhaqankooda iyo caadooyinkooda.

Si kastaba ha ahaatee, daraasado cilmiyeed oo kala duwan ayaa ka digaya in qiiqa iyo urta uunsigu ay keeni karaan dhibaatooyin caafimaad oo dad badan ku dhaca.

Muuqaal dhowaan ay ku baahisay Instagram, dhakhtar ku takhasustay cudurrada sambabbada, Sonia Goyal, ayaa sharraxday waxyeellada ka dhalan karta neefsashada qiiqa uunsiga maalin kasta.

Waxay u ekaysiisay uunsiga sun si tartiib ah ugu galaysa sambabbada, iyadoo sheegtay in wasakhaha ka soo baxa uunsigu ay ka dhashaan habka gubista isla markaana ay leeyihiin waxyeello la mid ah tan sigaarka.

Kulliyadda Mareykanka ee Xasaasiyadda, Neefta iyo Ka-hortagga (ACAAI) ayaa uga digtay shirkeedii cilmiyeed ee ka dhacay Boston sanadkii hore in neefsashada qiiqa uunsigu ay khatar ku noqon karto dadka qaba xasaasiyadda iyo neefta, sidoo kale carruurta iyo dadka waayeelka ah. Kulliyaddu waxay xarunteedu ku taallaa Illinois waxayna leedahay in ka badan 6,000 oo khubaro caafimaad ah.

Sida ku cad warbixintooda, neefsashada qiiqa uunsigu waxay sababi kartaa madax-xanuun, hoos u dhac ku yimaada shaqada habka neefsashada, dhibaatooyin maqaarka ah iyo falcelinno xasaasiyadeed.

Sidoo kale waxaa la ogaaday in hal garaam oo uunsi gubanaya uu soo saaro ku dhawaad 45 milligram oo walxo yaryar ah, halka sigaarku uu soo saaro kaliya 10 milligram. Sidaas darteed, uunsigu wuxuu soo saaraa walxo yaryar ku dhawaad afar jeer ka badan sigaarka.

Daraasad kale oo ay tixraacday Maktabadda Qaranka ee Daawada ayaa ogaatay in qiiqa ulo uunsi uu kordhin karo dhimashada ka dhalata cudurrada wadnaha iyo istaroogga qiyaastii 12 boqolkiiba.

“Dad badan ma oga in uunsigu keeni karo waxyeello, gaar ahaan carruurta,” ayay tiri Mary Lee-Wang, khabiir ku takhasusay xasaasiyadda isla markaana ah qoraaga ugu weyn ee daraasaddaas.

Hay’adda ACAAI sidoo kale waxay ka digaysaa in ulo uunsi ay wasakhayn karaan hawada isla markaana xitaa sababi karaan shilal dab ah.

g

Xigashada Sawirka,Getty Images

Qoraalka sawirka,Cuud

Wasakhaha ka dhasha gubista uunsiga

Sida ku xusan faahfaahinta ay soo saartay Maktabadda Qaranka ee Daawada, aan hoos u eegno wasakhda ay soo daayaan ulo uunsigu:

1. Qaybaha yaryar (PM2.5)

Kuwani waa qaybo aad u yar oo geli kara ilaa qaybaha ugu dambeeya ee habka neefsashada. Uunsi, sigaarka iyo shumacyadu waa sababaha ugu waaweyn ee faafiya qaybahaan gudaha guryaha. Soo-gaadhista sare waxay keeni kartaa: cudurrada neefsashada ee raaga, cudurrada wadnaha, dhaawac ku yimaada unugyada sambabada, dhimasho hore, iyo korodhka halista kansarka.

2. Kaarboon monoksaydh (CO)

Wuxuu soo baxaa marka isku-dhisyo dabiici ah aan si fiican loo gubin. Isku-dhisyadani waxay sameeyaan carboxyhemoglobin, taasoo hoos u dhigta awoodda dhiigga ee qaadista oksijiinta. Marka qaddar yar uu jirka galo, waxay keeni kartaa calaamado sida madax-xanuun, lalabbo iyo daal, halka qaddar badan ay halis nafeed keeni karto.

3. Diyoksaydhka sulfur iyo diyoksaydhka nitrogen

Gaasaskan waxay kordhin karaan cudurrada wadnaha iyo sambabada, sidoo kalena daciifin karaan difaaca dabiiciga ah ee sambabada.

4. Isku-dhisyo dabiici ah oo si fudud u uumi-baxa (VOCs)

Kuwani waa gaasas ka yimaada kiimikooyin kala duwan oo ku jira walxo dareere iyo adag. Waxay keenaan cuncun indhaha, sanka iyo cunaha, iyo sidoo kale madax-xanuun, lalabbo iyo matag. Soo-gaadhista muddada dheer waxay kordhin kartaa halista kansarka, dhaawici kartaa beerka, isla markaana waxyeello u geysan kartaa habdhiska neerfaha.

5. Aldehydes

Kani waa nooc kale oo VOC ah oo aad u xun. Waxay keentaa cuncun daran oo sanka iyo cunaha ah iyo qufac. Soo-gaadhista badan ee formaldehyde sidoo kale waa walaac, waxaana loo aqoonsan yahay kuwo kansar keeni kara.

6. Hydrokarboonnada leh giraanno badan oo udgoon (PAHs)

Kiimikooyinkani waxay kordhiyaan halista cudurka xididdada dhiigga ee durugsan (PAD).

g

Xigashada Sawirka,Getty Images

Dadka ugu nugul khatarta

Carruurta, dadka waayeelka ah, dadka qaba neefta iyo kuwa sambabadoodu daciif yihiin waxay ku jiraan khatar sare oo ah inay neefsadaan qiiqa uunsiga.

Soo-gaadhista muddada dheer waxay kordhin kartaa halista cudurrada sida neefta, COPD (cudurka raaga ee xanniba marinnada hawada) iyo kansarka sambabada. Khatartu way sii kordhaysaa haddii qolalku aanay lahayn hawo ku filan.

Qiiqu wuxuu sidoo kale dhaawici karaa DNA-ga (hidde-sideyaasha) aadanaha.

“Halista COPD aad bay u sareysaa sababo la xiriira qiiqa uunsiga. Waxay aad ugu badan tahay dadka si joogto ah u guba uunsi una neefsada qiiqiisa. Dadka horey u qaba neefta waxay si degdeg ah ugu gudbaan COPD. Dadka aan qabin neefta waxay halis ugu jiraan inay cudurkaas ku qaadaan muddo 10 ilaa 15 sano gudahood,” ayuu yiri Dr. Anudeep Pothina, oo ah khabiir ku takhasusay cudurrada sambabada kana tirsan Isbitaalka NIMS.

“Nefta soo noqnoqota ayaa ku sii badanaysa carruurta. Marka carruurtu qabaan cudurkan, waxay si joogto ah u qufacaan. Xilligan, carruurtu waa in si degdeg ah loo geeyo dhakhtar ku takhasusay sambabada si talo caafimaad loo helo. Carruurta waa in laga fogeeyaa waxyaabaha sida qiiqa uunsiga, boorka iyo dabinnada kaneecada ee keeni kara dhib. Qiiqa ka yimaada cuudka wuxuu sii xumeeyaa xaaladda dadka qaba neefta. Carruurta iyo dadka kale ee dhibaatooyin qaba waa in si taxaddar leh loo ilaaliyaa, isla markaana si degdeg ah looga fogeeyaa neefsashada qiiqa uunsiga,” ayuu ku taliyay Dr. Anudeep Pothina.

g

Xigashada Sawirka,Getty Images

Waa maxay tallaabooyinka taxaddarka ah ee la qaato?

  • Ka fogow inaad muddo dheer ku sugnaato qiiqa uunsiga
  • Hubi in daaqadaha ay furan yihiin marka aad shidayso uunsi
  • Ha shidin uunsi haddii ay carruur yaryar guriga joogaan
  • Haddii ay khasab noqoto in la shido, carruurta ka fogee qiiqa
  • Waxaa jira ulo uunsi oo lagu andacoodo inay yihiin kuwo deegaanka u saaxiib ah, balse dhakhaatiirtu waxay ka digayaan in nooc kasta oo qiiq ahi uu yeelan karo waxyeello.

BBC si madax-bannaan ma aysan u xaqiijin in uunsiga lagu sheegay inuu dabiici yahay ama deegaanka u saaxiib yahay uusan waxyeello u lahayn deegaanka ama caafimaadka.

Bbc somali