Machadka arrimaha dibada ee Itoobiya (IFA) ayaa daabacay qoraal lagu sheegay in doodda Somaliland ay ka gudubtay marxaladdii “Aqoonsiga Sharciga ah” (Legal Recognition), isla markaana ay u xuub-siibatay “Aqoonsi Hawlgal” (Operational Recognition) oo ku dhisan baahida caalamku u qabo iskaashi amni iyo mid dhaqaale.

Warbixintan, waxaa lagu xusay in sugnaan la’aanta amniga Marin biyoodka Bab El-Mandab ay ku qasabtay quwadaha caalamka & wadamada gobalka inay si toos ah ula shaqeeyaan maamul xasiloon ee xeebaha gacanka kudhow.

Muhiimada Dekeda Berbera, warbixintu waxay tilmaamtay in halkan marsadu ka gudubtay mid ganacsi oo caadi ah, ayna maanta tahay xarun udub-dhexaad u ah amniga badda, isku xirka caalamka iyo yareynta halista ku tiirsanaanta hal-beegga ah ee Itoobiya ay kuqabto dekedaha Jabuuti.

Ka hor joogsiga Muqdisho ee iskaashiga caalamka ee Somaliland layeelanayo ayay warbixintu sheegtay in aysan helin u soo joogsasho & joojinta hab-dhaqanka wadamada gobolka iyo quwadaha waaweyn oo durba iskaashiyo qoto dheer la yeeshay Hargeysa.

Kala Guurka Diblomaasiyadeed, Warbixintan ayaa lagu soo gaba-gabeeyay in aqoonsiga rasmiga ah uusan hadda ahayn furaha keliya ee lagu helo iskaashi caalami ah, balse iskaashiga dhabta ah ee dhinacyada amniga, ganacsiga iyo kaabayaasha dhaqaalaha uu tartiib-tartiib u “caadiyaynayo” (normalize) aqoonsiga SL.