๐๐๐-๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐
Kaddib cabashadii qaybo ka mid ah bukaanka kelyaha ee Cisbitaalka Guud ee Hargeysa, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), waxa uu Cisbitaalka ku tegey booqasho kedis ah oo uu ugu kuurgelayay cabashadan, iyo guud ahaanba xaaladda Cisbitaalka.
Madaxweynuhu waxa uu kulamo xog waraysi ah la yeeshay maamulka, hawl-wadeennada caafimaadka iyo bukaanka, gaar ahaan qaybta maydhista kelyaha. Intaa kaddib, Madaxweynuhu waxa uu qaaday tallaabooyinka soo socda oo hordhac u noqonaya xal-u-helidda guud ahaan xaaladaha cisbitaallada dalka, gaar ahaan Cisbitaalka guud ee Hargeysa oo uu saaran yahay culays badan oo xagga adeeg-bixinta ah.
๐. ๐๐ง ๐๐ข๐ฅ๐๐๐ฌ๐ก ๐ฅ๐๐ ๐ ๐๐ก๐ข๐ ๐จ ๐๐ก๐๐ฆ๐ฆ๐๐๐ง ๐ค๐๐๐๐๐ฒ๐๐๐ฌ๐ก๐ ๐ค๐๐ฅ๐ฒ๐จ ๐ฆ๐๐ฒ๐๐ก๐ข๐ฌ๐ญ๐:
Madaxweynuhu waxa uu amray adeegga kelyo maydhista oo imikaba bilaash ah, in sidoo kale bukaanka kelyaha loo maydhayo laga dhaafo lacagaha kooban ee ay ku iibsadaan dawooyinka iyo agabka yaryar ee la xidhiidha kelyo maydhista.
๐. ๐๐ง ๐ฌ๐ข ๐๐๐ ๐๐๐ ๐๐ก ๐ฅ๐จ๐จ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ข๐ข๐๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ก๐๐ง ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐จ๐๐๐ง ๐ฆ๐ข๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ง๐ง๐๐๐ ๐๐๐ฅ๐ฒ๐จ ๐ฆ๐๐ฒ๐๐ก๐ข๐ฌ๐ญ๐ ๐๐ก:
Madaxweynuhu waxa uu amray in si degdeg ah loo soo iibiyo Shan iyo Toban mishiinnada Kelyo maydhista ah, si loo sii kordhiyo awoodda qaybta kelyo maydhista, loona yareeyo cadaadiska shaqo ee saaran mishiinnada hadda yaalla. Sida oo kalana loo hubiyo in bukaanka intii awoodda ah la wada gaadhsiiyo adeeggan, xilliga iyo saacadaha ku haboon.
๐. ๐๐ง ๐๐๐๐ฅ๐๐๐๐ ๐๐ข๐ฌ๐๐ข๐ญ๐๐๐ฅ๐ค๐ ๐ ๐ฎ๐ฎ๐ ๐๐ ๐๐๐๐ฌ๐ข๐ฆ๐๐๐๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ข๐ฌ๐๐ข๐ญ๐๐๐ฅ๐ฅ๐๐๐ ๐๐จ๐๐จ๐ฅ๐ฅ๐๐๐ ๐๐๐ฅ๐ค๐ ๐ช๐๐ฒ๐๐ญ๐ ๐ฆ๐๐ฒ๐๐ก๐ข๐ฌ๐ญ๐ ๐๐๐ฅ๐ฒ๐๐ก๐ ๐ฅ๐๐ ๐ฎ ๐ฌ๐๐ฆ๐๐๐ฒ๐จ ๐ช๐ข๐ข๐ฆ๐๐ฒ๐ง ๐๐ก๐๐ฆ๐ฆ๐๐ฒ๐ฌ๐ญ๐ข๐ซ๐๐ง:
Madaxweynuhu waxa uu diray Guddi Farsamo oo qiimayn buuxda ku samaysa xaaladda Cisbitaalka guud ee Caasimadda Hargeysa iyo Cisbitaallada Gobollada dalka, qaybaha adeegga daweynta, nidaamka maamulka iyo maaraynta, qalabka caafimaadka, kaabayaasha, iyo daryeelka bukaanka oo ay ku jiraan qaybaha Kelyo maydhista.
Guddidan farsamo waxa ay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland siin doonaan warbixin buuxda oo sees u noqota xalalka degdegga loogu baahan yahay iyo kuwa muddada dheer.
Madaxweynuhu waxa uu mar kale xaqiijinayaa in ay Xukuumadda ka goโan tahay kobcinta iyo horumarinta Cisbitaallada dalka, hadba intii ay awooddeenna dhaqaale saamaxdo, si kor loogu qaado kartida iyo tayada adeeg bixinta ee ay ku daboolayaan baahiyaha caafimaad ee jira.






