Dawladaha Jamhuuriyada Somaliland iyo Jabuuti, ayaa hadalo kulul hawada isku mariyey.

Wasiirka Arrimaha Gudaha JSL Cabdalle Maxamed Carab, ayaa maalintii Axadda waxa uu sheegay in Jabuuti ay ka mid tahay dalal qayb ka ah colaadaha laga hurinayo Galbeedka Somaliland.
Geesta kale, Wasiirka Maaliyadda Jabuuti Ilyaas Dawaale oo qoraal ku qoray bartiisa X (Twitter), ayaa hadalka Wasiirka Daakhiliga Somaliland ku tilmaamay “meel-ka-dhac iyo masuuliyad-daro” waxaanu Wasiirka Jabuuti sheegay in dulqaadka Jabuuti aanu ahayd daciifnimo si khaldan loo fasirto.

Hadalkan Wasiirka Maaliyadda Jabuuti waxa uu u muuqdaa digniin iyo fariin hanjabaad ah oo loo diray dalka Jamhuuriyadda Somaliland.
Jabuuti waxay ka mid tahay dalalka sida weyn uga soo horjeeda qaranimada iyo jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland.

Haddaba, su’aashu waxay tahay; ma Jabuuti ayaa ka khaldan oo daandaansi ku ah Somaliland, mise Somaliland ayaa gardaran oo gef ka gelaysa Jabuuti?