Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa la filayaa inuu bisha soo socota ee September 2026 uu safar shaqo ku tago dalka Maraykanka.
Wargeyska The Economist oo waraysi la yeeshay Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in Madaxweynaha Somaliland uu rajaynayo inuu kulan fool-ka-fool ah la yeesho Donald Trump oo ah Madaxweynaha Maraykanka.
Waxaanu Wargeysku intaas ku daray in haddii kulankaasi dhaco wuxuu Madaxweyne Cirro noqon doonaa madaxweynihii ugu horreeyey ee Somaliland ee si toos ah ula kulma Nadaxweyne Maraykan ah.
“Waxaan filaynaa in Maraykanku mustaqbalka aqoonsado Somaliland,” ayuu yidhi Madaxweyne Cirro, isagoo intaas ku daray inay Somaliland filayso in ugu yaraan hal dal oo kale aqoonsado “ka hor dhammaadka sannadkan 2026.
Madaxweynaha Somaliland ayaa waraysigan si kaftan ah ugu sheegay in wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya ay marka xiga ka qabsoomi doonaan Tel Aviv oo Israa’iil ah.
Hadalkan Madaxweynaha Somaliland ayaa sida wargeysku sheegay ah kaftan xambaarsan fariin siyaasadeed.
Hadalkan Madaxweyne Cirro ayaa daba socda wada-xaajoodyadii fashilmay ee Turkigu hore ugu qabtay Somaliland iyo Soomaaliya.





