Waxaa la tixgelinayaa xulashooyin kala duwan oo Turkigu ku taageeri karo Sacuudiga, iyadoo la eegayo weerarrada sii kordhaya ee Xuutiyiintu ku qaadaan Sacuudiga iyo heshiiska difaaca wadajirka ah ee Maka.

Bayaan ay wasaaradda difaaca Turkigu soo saartay Khamiistii ayaa lagu sheegay in xulashooyinka taageero milatari ee suurtagalka ah, iyadoo la raacayo heshiiska ay Turkigu la galeen Sacuudiga iyo Pakistan, la go’aamin doono kaddib marka Baarlamaanka Weyn ee Qaranka Turkigu ansixiyo heshiiska, isla markaana la dhammaystiro hannaanka dastuuriga ah. Go’aanka waxaa lagu salayn doonaa baahiyaha ka jira goobta.

Marka la eego arrintan, mudnaanta koowaad ee Ankara waa in heshiiska difaaca wadajirka ah ee Makka la horgeeyo baarlamaanka si loo ansixiyo. Intaa kaddib, waxaa qorshuhu yahay in mar kale baarlamaanka la horgeeyo qaraarka oggolaanaya in ciidamo Turkiga ah loo diro dibadda.

Dhanka kale, waxaa la qorsheynayaa in la go’aamiyo baaxadda taageerada la bixinayo, iyadoo lagu salaynayo baahiyaha iyo codsiyada Sacuudiga.

Xulashada ugu weyn ee la tixgelinayo waa in la hawlgeliyo nidaamyada difaaca cirka iyo awoodaha kale ee saadka milatari, si kor loogu qaado awoodda difaac ee Sacuudiga.

Turkiga

Taageerada milatari ee Sacuudiga

Waxaa sii kordhay dagaallada u dhexeeya Xuutiyiinta iyo Sacuudiga, gaar ahaan labadii toddobaad ee la soo dhaafay.

Iska horimaadyadan waxaa lagu bartilmaameedsaday kaabayaasha tamarta ee Sacuudiga, garoomada diyaaradaha iyo sidoo kale qaar ka mid ah goobaha barakaysan.

Dalal dhowr ah, oo ay ku jiraan Turkiga iyo Pakistan, ayaa ka falceliyay weerarrada Xuutiyiinta oo ay taageerto Iiraan.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa 7-dii Oktoobar, isaga oo su’aalo uga jawaabayay suxufiyiinta Aqalka Cad, wax laga weydiiyay go’aanka labada dal ee ah inay Sacuudiga siiyaan taageero milatari. Wuxuu ku jawaabay: “Waxaan u malaynayaa inay doonayaan inay Sacuudiga caawiyaan, taasina waa arrin wanaagsan.”

Turkigu wuxuu si gaar ah ajandihiisa ugu daray arrinta taageero milatari oo Sacuudiga lagu siinayo, iyadoo la raacayo isbahaysiga Maka.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Hakan Fidan ayaa hadalladooda ku caddeeyay in Ankara ay ka jirto go’aan siyaasadeed oo adag oo ku aaddan bixinta taageeradan.

Erdoğan ayaa 13-kii Oktoobar khadka telefoonka kula hadlay dhaxal-sugaha Sacuudiga, Maxamed bin Salmaan, wuxuuna u sheegay in Turkigu garab istaagi doono Sacuudiga.

Hannaanka la xiriira taageerada suurtagalka ah ee Sacuudiga waxaa hoggaaminaya Wasaaradaha Arrimaha Dibadda iyo Difaaca ee Turkiga.

Turkiga

Marka hore waxaa la dhammaystiri doonaa hannaanka sharciga ah

Bayaan ay Wasaaradda Difaaca Qaranka Turkigu soo saartay Khamiistii ayaa tilmaamo ka bixiyay qorshaha sharci iyo kan milatari ee la xiriira habka loo taageeri karo Sacuudiga.

Bayaan ka wasaaradda ayaa muujinaya in hannaanka la xiriira awoodda iyo cududda milatari ee suurtagalka ah ee Turkigu siin karo Sacuudiga loo mari doono si waafaqsan qodobbada dastuurka.

Arrintan awgeed, waxaa marka hore loo baahan yahay in Baarlamaanka Turkigu ansixiyo heshiiska difaaca wadajirka ah ee Maka, kaddibna la ansixiyo qaraarka oggolaanaya in ciidamada qalabka sida ee Turkiga loo diro dibadda.

Qodobka 92-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Turkiga ayaa dhigaya in awoodda go’aaminta dirista ciidamada Turkiga ee dibadda ama oggolaanshaha in ciidamo shisheeye la geeyo gudaha Turkiga ay leedahay Baarlamaanka dalkaas.

Madaxweyne Erdoğan ayaa sidoo kale 12-kii Oktoobar sheegay in heshiiska maalmaha soo socda la horgeyn doono baarlamaanka.

Ansixinta heshiiska iyo qaraarka waxaa ku filan aqlabiyad fudud oo baarlamaanka ah.

Markii la dhammaystiro hannaanka sharciga ah, Wasaaradda Difaaca Qaranka ayaa sidan uga hadashay sida loo go’aamin doono taageerada milatari:

Xeerarka lagu go’aaminayo baaxadda iskaashiga suurtagalka ah waxaa lagu salayn doonaa baahiyaha iyo codsiyada Sacuudiga, xaaladda ka jirta goobta iyo baahiyaha hawlgallada. Waxaa sidoo kale la tixgelin doonaa qiimeynta hay’adaha ay khusayso iyo is-afgaradka ay dhinacyadu gaaraan.”

Turkiga

Qoraalka sawirka,

Lama filayo iska horimaad toos ah oo lala galo Xuutiyiinta

Qiimaymaha ka socda Ankara ayaa muujinaya in Turkigu, marka uu taageero siinayo Sacuudiga, uu diiradda saari doono xoojinta awoodda difaac ee Sacuudiga. Gaar ahaan, waxaa mudnaan la siin doonaa difaaca cirka, taageerada saadka milatari iyo sirdoonka.

Bayaankii Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ee 8-dii Oktoobar ayaa si weyn u muujinaya mowqifka Ankara ee arrintan.

Fidan ayaa sheegay: “Heshiiska Maka waa heshiis difaac. Ma aha heshiis weerar. Marka dal ka mid ah dhinacyada heshiiska la soo weeraro, waxaad garab istaagaysaa si aad uga caawiso inuu is difaaco.”

Wuxuu intaas ku daray: “Turkigu ciidamo uma diri doono dhulka dal kale si uu halkaas uga fuliyo weerar.”

Turkiga, Pakistan iyo Sacuudiga, mudnaanta ugu weyn ee isbahaysiga Maka waa difaaca wadajirka ah iyo awoodda looga hortagayo cadowga inuu weerar qaado.

Si kastaba ha ahaatee, heshiiska saddexda dal wuxuu sidoo kale xambaarsan yahay mabda’ la mid ah Qodobka 5-aad ee NATO, kaas oo dhigaya in weerar lagu qaado hal dal oo xubin ka ah loo aqoonsan karo weerar lagu qaaday dhammaan dalalka xulafada ah.

Hay’adda ugu muhiimsan ee go’aan-qaadashada isbahaysiga Maka waa Guddiga Istaraatiijiyadda, Siyaasadda iyo Difaaca (SSSK).

Kulankii guddiga ee 5-tii Oktoobar ayaa lagu go’aamiyay in Sacuudiga si degdeg ah loo siiyo taageero milatari.

Si kastaba ha ahaatee, maadaama isbahaysigu yahay mid aad u cusub, habraacyadiisa hay’addeedna aan weli si buuxda loo dhammaystirin, waxaa la sheegay in tallaabooyinka la xiriira taageerada milatari ay qaadan karaan waqti.

Waxaa la filayaa in dhinacyadu sii xoojiyaan wada-tashiyada ku saabsan taageerada milatari ka hor kulanka xiga ee Guddiga Istaraatiijiyadda, Siyaasadda iyo Difaaca.

Xaaladda ka jirta goobta dagaalka ayaa saamayn ku yeelan karta taageerada Ankara

Iska horimaadyada u dhexeeya Sacuudiga iyo Xuutiyiinta, oo gacanta ku haya qaybo badan oo ka mid ah Yemen, ayaa si goos-goos ah u socday tan iyo sannadkii 2014-kii.

Isku dayga Xuutiyiinta, gaar ahaan marka la eego dagaalka u dhexeeya Mareykanka, Israa’iil iyo Iiraan, ay ku xaddidayaan isu-socodka maraakiibta shidaalka ee marinka Baab al-Mandab ayaa muujiyay dhinaca caalamiga ah ee khilaafka Sacuudiga iyo Xuutiyiinta.

Warbaahinta Mareykanka ayaa baahisay warar sheegaya in Washington ay kala kaashanayso Riyadh qiimeynta suurtagalnimada in la bilaabo hawlgal milatari oo ka dhan ah Xuutiyiinta. Dhanka kale, Israa’iil ayaa iyaduna qiimeyneysa xulashooyin ay ka mid yihiin taageero sirdoon iyo mid milatari.

Bayaanka Wasaaradda Difaaca Qaranka Turkiga ayaa lagu sheegay in marka la go’aaminayo baaxadda iskaashiga la tixgelin doono sidoo kale “xaaladda ka jirta goobta dagaalka”.

Turkigu wuxuu samayn karaa qiimeyn kama dambays ah oo ku saabsan ka-qaybgalka iskaashiga milatari, isaga oo tixgelinaya dhammaan xulashooyinkan.

Bbc somali