
Guddoomiye Ku-xigeenka Baanka Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Xamse Cabdiraxmaan Khayre, ayaa sheegay in Somaliland ay horumar weyn ka samaysay dhismaha nidaam maaliyaddeed oo casri ah, kaas oo kasbaday kalsooni iyo aqoonsi dhinaca hay’adaha maaliyaddeed ee caalamka.
Guddoomiye ku xigeenka oo waraysi gaar ah siiyey wargeyska The Advocate Post ayaa tilmaamay in Baanka Dhexe ee Somaliland uu doonayo inuu sumcadda iyo kalsoonida hay’adaha maaliyaddeed ee dalka u beddelo fursado wax ku ool ah oo Somaliland lagu gaadhsiinayo xidhiidho maaliyaddeed oo caalami ah.
Xamse Khayre ayaa sheegay in istaraatiijiyadda Baanka Dhexe ku dhisan tahay u hoggaansanaanta xeerarka maaliyaddeed, hufnaanta maamulka keydka lacagaha qalaad, casriyeynta nidaamka lacag-bixinta iyo xoojinta kalsoonida Shilinka Somaliland.
Guddoomiye Ku-xigeenka Baanka Dhexe waxa uu sheegay in aqoonsiga maaliyaddeed lagu horumarin karo xidhiidho lala sameeyo bangiyada caalamiga ah, iskaashi lala yeesho bangiyada dhexe ee dalalka kale, iyo xoojinta hababka lagula dagaallamo dhaqaalaha sharci-darrada ah iyo maalgelinta argagixisada.
Guddoomiye Xamse Khayre wuxuu xusay in Baanka Dhexe uu daraasaynayo mustaqbalka lacagta Somaliland, iyadoo la odorasayo sidii loo samayn lahaa lacag qaddaadiic ah, taasina u baahan tahay wada-shaqayn rasmi ah oo lala yeesho Hay’adda Caymiska Qaranka.
Guddoomiye Ku-xigeenka ayaa sidoo kale iftiimiyey muhiimadda ay leedahay in si cad loo kala saaro hawlaha bangiyada ganacsiga iyo shaqada Baanka Dhexe, si loo xaqiijiyo madaxbannaanida iyo hufnaanta siyaasadda lacagta.
Ugu dambayntii, Guddoomiye Ku-xigeenka Baanka Dhexe ee Somaliland, Xamse Cabdiraxmaan Khayre, ayaa muujiyey in Baanka Dhexe uu xoogga saarayo dhismaha nidaam maaliyadeed oo hufan, la isku halayn karo, isla markaana la jaan qaadaya caalamka.





