
Burco, maanta weli way ladan tahee hawga sii darin! waxaan si adag uga digayaa in guddi qabyaaladeed magaallada Burco loo sameeyo By Xildhibaan Suldan Jama Nuh
Waxaan ka digayaa guddida qabyaaladda ee magaallada Burco laga samaynayo, ee wasiirka Macalin ka waddo. Hore magaallada waxa ragaadiyey qabyaalad ay “cunfi” ugu yeedheen oo xilalka lagu qaybsado. Maayarka, Badhasaabka, iyo Xoghaya, waxa lagu qaybsadaa waa “cunfi” wax official ah maaha ee waa informal practise, hadda se iyadoo maanta taasna meesha laga saaray oo ay dhinac ka rar-tahay, haddana in guddi kale oo qabyaaladeed la sameeyo waa dibudhac iyo burbur kale oo magaaladda lagu ragaadinayo. .
2021 intii aan xildhibaanka noqday , waxaan ka shaqaynayey in bulshada reer Burco isdhexgasho, mid ahaato,, wax wada yeelato, wax wada qabsato oo horumar wada gaadho, waxaan ka soo baxay xisbiga Waddani; waxaan hormuud u ahaa iskaa wax u qabso aan ku dhisnay khayriyadda Burco 14 cisho oo keliya. in badan baan shantaa sano ka shaqeeyey Burco wanaaggeedda, hase yeeshee, maanta wasiirkii xukuumadda ayaa ka shaqaynaya Burco xumaanteeda, burburkeeda iyo kala qaybinteeda,golihii deegaanka ee la soo doortayna qabyaaladeeyo, waa markii koobaad oo gole deegaan oo wax dooranaya ay qabyaalad u kala fadhiisteen, markii aan arkay halka uu wax marinaayo iyo xukuumadda oo aan waxba ka qabanayn baan la yaabay. Maanta wuxuu keenay, inuu yidhaahdo, Guddi Horumarineed u samaynayaa Burco, waxaan weydiinayaa wasiirka, badhasaabka iyo maayarka keebay hoos imanayaan, wasaaradee bay ka mid ahaanayaan, xisbigee bay ka tirsan yihiin, halkee bay maaliyadda ay wax ku hormarinayaan ka helayaan, yaa dhaqaalaha siinaya, ileen xukuumaddaa dhistee, mandate ka ay ku shaqaynayaan yaa siinaya. mise ma garanaysaa guddida horumarinta ee sharciga xeer no 23 ku qoran wuxuu dhigayo!
Wasaaradda Dowladaha Hoose intii la sameeyey dib baa loo socdaa, horumarkii Burco ka socday halkii buu ku istaagay, magaalooyinkii oo dhan isbedel aan kala go’ lahayn baa daba loo qabtay, welina loo hayaa. Wasaaradda loogu talo galay horumarinta, waxay noqotay wasaaradda dibudhaca iyo burburinta magaalooyinka, xildhibaanno gole deegaan baa loo doortay ee guddida uu maanta u samaynayo Burco ceriteria dee buu ku soo xulayaa, ma culimaa, ma macalimiin baa, ma madaxyada jaamacadahaa, ma caaqilaa, ma ganacsataa, waa noocee qaabka loo soo xulayaa, miisaanka aan qabyaalad ahayn ee lagu tusmaynayaa muxuu yahay?
Guddida Horumarinta ee Burco, waxay timi goor dalku dagaallo sokeeye ka soo kabanayo, xukuumaddu aanay si fiican u shaqaynayn, dhaqaale na haysan, cashuur la ururin jirin, ama maamulku liitay oo uu tahli waayey inuu cashuur urursado – wakhtigaas oo loo baahday in mashaariic waaweyn oo horumarineed la sameeyo. Markaas baa Guddida Horumarinta Togdheer, isxilqaantay oo ay samaysay Jaamacadda Burco, Biriijka Labaad ee Burco, Hospitaalka Dhimirka ee Burco, mashaariicdaas bay samaysay guddidaas horumarinta Togdheer, iskeed- ayey isu xilqaantay, xukuumadi na ma samayn, ganacsato na ma samayn – odayaal indheergarad ah oo badhaasaabbo, maayarro, engineerro, ganacsato, ayaa arkay baahiyaha loo qabo in magaallada horumar la gaadhsiiyo, mashaariiic waaweyn oo dadkoo dhami ka wada faa’iidaanna la sameeyo, dadkii colaadaha sokeeye afeeyeenna dibusoo kabasho loogu sameeyo. Waxa horumarkaa maalgelinta ugu weyn lahaa, qurbajoogta gobolka Togdheer oo aan ka mid ahaa. halkaas baana dakhliga ugu badani ka soo geli jiray.
Duruuftaasi maanta ma jirto, Burco na tii shalay maaha, 500 kun oo qof baa ku nool, 9 jaamacadood baa ku yaal, iskuullada lama tirin karo, cusbitaalladu waa saddex dowliya iyo intaas oo gaar loo leeyahay (Private ah). Guddida horumarintu maanta cashuur ma qaadi karto, qurbajoogtuna tii shalay maaha ee waa mid dalka kula joogta oo mashaariicda ay fulinayeen waxay sii socotaa tuulooyinka. Dalka dowlad la doortay oo 400 Milyan oo doolar sannadkii isticmaasha ayaa ka jirta. Goleyaal la doortay oo golaha deegaanku ka mid yahay baa ka jira oo 5 milyan oo doollar maamula. Wasaarad dhan oo wasiir, ku xigeen iyo agaasime leh oo loo sameeyey inay magaalooyinka horumariso, ee sidee ayuu wasiirkii ku keenay inuu guddidiii 1999- oo kale sameeyo. Dibusocod baa lagu jiraa, madaxweyne, dalka adigaa laguu doortee, sidan si ugu dhaan, oo wasiirkan khaldan ee aan qabyaalad iyo dadka inuu madaxa isu geliyo mooyee wax kale ka shaqaynayn ka qabo.
Burco, maanta weli way ladan tahay ee hawga sii daran,? waxaan si adag uga digayaa in guddi qabyaaladeed magaallada loo sameeyo, Gole deegaan oo dadku doortay baa jooga, sharci iyo cod ku yimi, xisbiyo kala duwan ka soo baxay oo bulshada oo dhan metela. nin aan la dooran oo xukuumaddu dhisatay oo aan sharci ahayn, wuxuu keeno karo iyo siduu bulshada isugu diri karo ayaan fahmayaa, ee haddii aanad wax kale u tarayn wasiir, sideeda isaga daa, inta meesha aad dhaafaysid.
Madaxweyne, Burco maanta guddi uma baahna ee horumar la taaban karo iyo mashaariic bay u baahan tahay, Airport ka oo dib loo dhiso, loona furo, wadada oodweyne oo la bilaabo iyo waddooyinka magaallada soo gala oo la dhiso – wadada Burco ilaa Caynabo; Burco ilaa Balidhiig, Burco ilaa Duruqsi, Burco ilaa Huguf. Burco waxay xukuumadda uga fadhidaa mashaariic horumarineed, ee ugama fadhido guddi horumarineed – Cusbitaalkii weynaa ee aynu dhagax dhignay in la bilaabo, taliskii ciidanka Booliiska ee la dumiyey in dib loo dhiso iyo biriijkii 3aad ee qabyada ahaa iyo kuwo kale ba in loo dhiso ayey Burco u baahan yahay.
Allaa Mahad Leh
Xildhibaan Suldaan Jaamac Nuux
London, UK





