Milatariga Mareykanka ayaa sheegay in “inta ugu badan” weerarrada Iran ay ku qaaday maraakiibta marinka Hormuz ay “fashilmeen”.
Tim Hawkins, oo ah afhayeenka Taliska Dhexe ee Mareykanka (CENTCOM), ayaa Fox News u sheegay in “97 boqolkiiba maraakiibta isku dayay inay maraan marinka Hormuz ay si guul leh uga gudbeen marin-biyoodka, iyaga oo aan bartilmaameed u noqon gantaallada Iran”.
Waxa uu intaas ku daray in “milatariga Mareykanku uu gacan ka geystay isku-dubaridka ilaalinta kumannaan markab oo si nabad ah uga gudbay marinkan”.
Arrintan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo maalmihii u dambeeyay ay kordheen weerarrada lagu qaadayo maraakiibta ganacsiga iyo kuwa shidaalka qaada ee marinka Hormuz.
Xarunta Hawlgallada Badda ee Ganacsiga ee UK ayaa sheegtay in 12 markab ay soo sheegeen in weerarro lagu qaaday agagaarka marinka Hormuz toddobaadkii la soo dhaafay.





