
Golaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta yeeshay fadhigiisii 7’aad ee kalfadhiga 15’aad, kaas oo uu shir-guddoominayay Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ahna ku-simaha guddoomiyaha golaha wakiillada JSL, Mudane Siciid Mire Faarax (Giirre).
Ugu horrayn, Guddoomiye-ku-xigeenka 1’aad ahna ku-simaha guddoomiyaha golaha ayaa mudanayaasha u sheegay in golaha uu soo gaadhay mooshin ku saabsan wax-ka-beddelka iyo kaabista xeerka shirkadaha Somaliland, Xeer Lr. 80/2018.
Kadib markii la hubiyay xubnaha xildhibaanada ah ee keenay mooshinka, waxaa mooshinka loo gudbiyay la-taliyaha sharciga ee golaha wakiillada, si uu u eego una soo gudbiyo aragtidiisa dhinaca sharciga ah.
Sidoo kale, fadhiga maanta ayaa lagu sii waday doodda qabyo-qoraalka Xeerka Ergooyinka Diblomaasiyadeed, iyada oo doodda xeerkaasi la soo gabagabeeyay.





