๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐š๐ง ๐๐š๐ซ๐๐š๐š๐ซ๐š๐ง ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐š๐ซ-๐๐š๐ซ๐ ๐ž๐ฅ๐ข๐ง ๐š๐ก ๐ฅ๐š ๐ฒ๐ž๐ž๐ฌ๐ก๐š๐ฒ ๐’๐š๐Ÿ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐š๐๐š, ๐„๐ซ๐ ๐š๐ฒ๐ ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐’๐š๐Ÿ๐ข๐ข๐ซ-๐ค๐ฎ-๐ฑ๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ง๐š๐๐š ๐ฎ๐ฎ ๐๐ก๐š๐ฐ๐š๐š๐ง ๐ฑ๐ข๐ฅ๐š๐ฅ๐ค๐š ๐ฎ ๐ฆ๐š๐ ๐š๐œ๐š๐š๐›๐š๐ฒ.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa kulan dardaaran iyo dardargelin hawleed ah la yeeshay Safiirrada, Ergayga iyo Safiir-ku-xigeennada uu dhawaan xilalka u magacaabay, isaga oo adkeeyey muhiimadda ay leedahay in xilalka diblomaasiyadeed loo guto si hufan, masuuliyad leh, isla markaana ku dhisan ilaalinta danaha, karaamada iyo sumcadda Qaranka JSL.

Madaxweynaha waxa kulanka ku wehelinayey Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JSL, Mudane Cabdiraxmaan Daahir Aadan Bakaal.

Madaxweynuhu waxa uu xusay in xilalka Danjirennimadu aanay ku koobnayn metelaad rasmi ah oo keliya, balse ay yihiin masuuliyado Qaran oo xambaarsan magaca, jiritaanka dawladnimo, danaha istiraatiijiga ah iyo himilooyinka mustaqbalka ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxa uu tilmaamay in xilalkaasi leeyihiin miisaan gaar ah, xilli ay bulshada caalamku si weyn ugu baraarugayso xaqiiqada dalnimo, dawladnimo iyo kaalinta istiraatiijiga ah ee ay Jamhuuriyadda Somaliland ku leedahay gobolka iyo dunida.

Madaxweynuhu waxa uu masuuliyiintan kula dardaarmay in ay xilalkooda u gutaan si xilkasnimo, karti, daacadnimo iyo haybad Qaran leh, isla markaana ay xoojiyaan xidhiidhka diblomaasiyadeed ee ay la leeyihiin waddamada loo igmaday, iyaga oo mudnaanta siinaya is-fahamka, iskaashiga, dano-wadaagga iyo kobcinta xidhiidho caalami ah oo wax-ku-ool ah oo Somaliland u horseeda fursado diblomaasiyadeed, siyaasadeed, dhaqaale iyo horumarineed.

Madaxweynaha JSL waxa kale oo uu Danjireyaasha ku adkeeyey in ay door muhiim ah ka qaataan mideynta iyo isku xidhka Jaaliyadaha reer Somaliland ee ku nool waddamada ay Qaranka wakiilka uga yihiin, si loo xoojiyo wadajirka bulshada, loo kobciyo ka qayb qaadashadooda hawlaha Qaranka, loona mideeyo awooddooda, waayo-aragnimadooda iyo xidhiidhadooda caalamiga ah si ay ugu adeegaan danaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Dhankooda, Safiirrada, Ergayga iyo Safiir-ku-xigeennadu waxa ay Madaxweynaha u xaqiijiyeen sida ay uga goโ€™an tahay gudashada waajibaadka diblomaasiyadeed ee loo igmaday, iyaga oo ballanqaaday in ay xilalkooda u gudan doonaan si daacadnimo, xilkasnimo, karti iyo hufnaan leh, mar walbana ay mudnaanta koowaad siin doonaan ilaalinta danaha, karaamada iyo sumcadda Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana ay si joogto ah uga shaqayn doonaan xaqiijinta himilooyinka diblomaasiyadeed iyo danaha istiraatiijiga ah ee uu leeyahay Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.