Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa soo dhawayntii taariikhiga ahayd ee loogu sameeyey dalka Israa’iil kaddib, waxa uu Qasriga Madaxtooyada ee Israa’iil kula hadlay saxaafadda, isaga oo si mug leh ugu mahad naqay Madaxweynaha Israa’iil, Mudane Isaac Herzog, Dowladda Israa’iil iyo shacabka Israa’iil, soo dhawayntii diirranayd iyo maamuuskii heerka sare ahaa ee lagu qaabilay isaga iyo weftigiisa.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in booqashadani ay ka tarjumayso qaddarinta iyo is-ixtiraamka ka dhexeeya labada dal iyo labada shacab, isla markaana ay dhidibada u aasayso marxalad cusub oo ku salaysan saaxiibtinimo, iskaashi iyo dano-wadaag.

Madaxweynuhu waxa uu xaqiijiyey in Jamhuuriyadda Somaliland ay si buuxda uga go’an tahay xoojinta xidhiidhka iyo iskaashiga ay la leedahay Dawladda Israa’iil, gaar ahaan dhinacyada amniga, horumarka, dhaqaalaha, tiknoolajiyadda, iyo kobcinta is-dhaafsiga khibradaha iyo fursadaha labada dhinacba anfacaya.