



Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta hortiisa lagu dhaariyey xubno ka mid ah Golaha Wasiirada ee Qaranka JSL iyo xubin ka tirsan Guddida Diwaangalinta iyo Ansixinta Asxaabta Qaranka kuwaas oo uu dhawaan Madaxweynaha JSL u magacaabay Xilalka Qaranka.
Munaasibadda Dhaarta Dastuuriga ah ee Masuuliyiinta loo magacaabay Xilalka Qaranka, waxa Madaxweynaha ku wehelinayey Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee JSL ahna Guddoomiyaha Maxkamadda Dastuuriga ah, Mudane Aadan Xaaji Cali Axmed. Sida ku cad Qodobka 129-aad ee Dastuurka JSL, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare waxa uu Masuuliyiintan ku dhaariyey Madaxweynaha hortiisa.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa Munaasibadda dhaarta hadal kooban ka jeediyey isaga oo sheegay in dhaarta Xilalka Qaranka JSL ay tahay ballan-qaad culus oo Diini iyo Dastuuriba ah loona baahan yahay in Masuuliyiinta Xilalka loo magaacabay ay si joogto ah ugu baraarug-sanaadaan culayska uu leedahay Xilka Qaran ee ay u dhaarteen.





