Fadhigii 75-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada JSL oo uu Shir-guddoominayey Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ahna ku-simaha Madaxweynaha, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa maanta ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland.

Qodobbada lagaga wada hadlay Fadhiga 75-aad waxa ka mid ahaa:

๐Ÿ. ๐—๐š๐š๐ฅ๐š๐๐๐š ๐†๐ฎ๐ฎ๐ ๐ž๐ž ๐€๐ฆ๐ง๐ข๐ ๐š ๐ƒ๐š๐ฅ๐ค๐š:

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka JSL, Mudane Cabdalle Maxamed Carab, ayaa Golaha uga xog-warramay xaaladda amniga iyo xasilloonida dalka, isaga oo adkeeyey in sugidda amniga dalku uu yahay aasaaska xasilloonida, Qarannimada iyo horumarka Somaliland.

Wasiirku waxa uu xaqiijiyey in guud ahaan xaaladda amni ee dalku ay wanaagsan tahay, isla markaana Hayโ€™adaha Amniga Qaranku ay si buuxda ugu diyaarsan yihiin ilaalinta nabadda, kala dambaynta iyo midnimada qaranka, iyada oo la sii xoojinayo wada-shaqaynta Hayโ€™adaha Qaranka ee amniga iyo feejignaanta bulshada JSL.

๐Ÿ. ๐๐š๐›๐ฒ๐จ-๐ช๐จ๐ซ๐š๐š๐ฅ๐ค๐š ๐—๐ž๐ž๐ซ๐ค๐š ๐‚๐ข๐ข๐๐š๐ง๐ค๐š ๐€๐ฌ๐ฅ๐ฎ๐ฎ๐›๐ญ๐š ๐‰๐’๐‹:

Wasiirka Wasaaradda Caddaalada JSL, Mudane Yoonis Axmed Yoonis iyo ku-xigeenka Garyaqaanka Guud, ahna ku-simaha, Mudane Garyaqaan Mubaarig Maxamuud Cabdi (Fallaag) ayaa Golaha faahfaahin ka siiyey muhimadda iyo ujeeddada Xeerka Ciidanka Asluubta JSL.

Wasiirka Caddaaladda JSL waxa uu xusay in Wasaaraddu ay dhammaystirtay Xeerkan oo ah Xeer muhiim u ah Qaranka, Ciidanka Asluubtuna uu muddo dheer baahi weyn u qabay, maadaama uu yahay Xeer uu waajibiyey Dastuurka JSL qodobkiisa 124-aad. Wasiirku waxa uu iftiimiyey ujeeddada Xeerka, taasoo ah maamulka Ciidanka Asluubta, qeexitaanka qaab-dhismeedka, awoodaha, waajibaadkooda, masuuliyadaha,
xuquuqaha, hannaanka dallacaadaha iyo anshax marinta xubnaha Ciidanka Asluubta.

Wasiirku waxa uu Golaha ka codsaday in ay soo darsaan Qabyo-qoraalka Xeerka Ciidanka Asluubta JSL, taladoodana ku biiriyaan.

๐Ÿ‘. ๐‘๐จ๐จ๐›๐š๐›๐ค๐š ๐„๐ฅ ๐๐ขลˆ๐จ, ๐ฌ๐š๐š๐ฆ๐š๐ฒ๐ง๐ญ๐š ๐š๐ฒ ๐ค๐ฎ ๐ฒ๐ž๐ž๐ฅ๐š๐ง ๐ค๐š๐ซ๐š๐š๐ง ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐, ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ข๐ฒ๐š๐š๐ซ-๐ ๐š๐ซ๐จ๐ฐ๐ ๐š ๐ฅ๐จ๐จ๐ ๐š ๐›๐š๐š๐ก๐š๐ง ๐ฒ๐š๐ก๐š๐ฒ ๐‡๐š๐ฒโ€™๐š๐๐š๐ก๐š ๐ƒ๐š๐ฐ๐ฅ๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐š๐ฒ ๐ค๐ก๐ฎ๐ฌ๐š๐ฒ๐ฌ๐จ:

Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ka arrinsaday roobabka la saadaalinayo ee ka dhasha saamaynta El Niรฑo (dhacdo cimilo), iyo khataraha ay xaaladdaasi ku yeelan karto dalka, gaar ahaan deegaanka, xoolaha, beeraha iyo bulshada nugul.

Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, Mudane Cabdilaahi Cismaan (Geeljire) iyo Wasiirka Horumarinta Beeraha, Mudane Aadan Geedi Qayaad ayaa Golaha ka hor jeediyey warbixinno ku saabsan saamaynta El Niรฑo, xaaladda cimilada iyo diyaar-garowga looga baahan yahay Hayโ€™adaha ay khusayso, si loo yareeyo khataraha fatahaadaha, daadadka iyo waxyeellada ka dhalan karta roobabka xooggan.

Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay bulshada ugu baaqaysaa feejignaan, diyaar-garow iyo wada-shaqayn, iyada oo hayโ€™adaha ay khusayso lagu dhiirrigelinayo in ay qaadaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah ee lagula tacaalayo xaaladdan iyada ah.

๐Ÿ’. ๐ƒ๐จ๐จ๐๐๐š ๐†๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š: ๐’๐š๐š๐ฆ๐š๐ฒ๐ง๐ญ๐š ๐š๐ฆ๐ง๐ข, ๐๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ฅ๐ž ๐ข๐ฒ๐จ ๐ ๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข ๐ž๐ž ๐ฑ๐š๐š๐ฅ๐š๐๐๐š ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ค๐š ๐๐š๐› ๐ž๐ฅ-๐Œ๐š๐ง๐๐ž๐› ๐š๐ฒ ๐ค๐ฎ ๐ฒ๐ž๐ž๐ฅ๐š๐ง ๐ค๐š๐ซ๐ญ๐จ ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐

Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta ka dooday saamaynta amni, dhaqaale iyo ganacsi ee xaaladda marinka Bab el-Mandeb iyo colaadaha Bariga Dhexe ayvku yeelan karaan Somaliland, gaar ahaan dhinacyada amniga badda, isu-socodka ganacsiga, dekedaha, iyo dhaqaalaha dalka.

Goluhu waxa uu isla qaatay muhiimadda ay leedahay diyaar-garow Qaran, isku-duwidda Hayโ€™adaha Dawladda ee ay khusayso iyo Qorshe midaysan oo lagula tacaalayo waxyeellada ka dhalan karta isbeddellada amni iyo dhaqaale ee gobolka, iyada oo la ilaalinayo xasilloonida, amniga iyo danaha mudnaanta u leh Jamhuuriyadda Somaliland.