
Fadhigii 75-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada JSL oo uu Shir-guddoominayey Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ahna ku-simaha Madaxweynaha, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa maanta ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland.
Qodobbada lagaga wada hadlay Fadhiga 75-aad waxa ka mid ahaa:
𝟏. 𝐗𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐀𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚:
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka JSL, Mudane Cabdalle Maxamed Carab, ayaa Golaha uga xog-warramay xaaladda amniga iyo xasilloonida dalka, isaga oo adkeeyey in sugidda amniga dalku uu yahay aasaaska xasilloonida, Qarannimada iyo horumarka Somaliland.
Wasiirku waxa uu xaqiijiyey in guud ahaan xaaladda amni ee dalku ay wanaagsan tahay, isla markaana Hay’adaha Amniga Qaranku ay si buuxda ugu diyaarsan yihiin ilaalinta nabadda, kala dambaynta iyo midnimada qaranka, iyada oo la sii xoojinayo wada-shaqaynta Hay’adaha Qaranka ee amniga iyo feejignaanta bulshada JSL.
𝟐. 𝐐𝐚𝐛𝐲𝐨-𝐪𝐨𝐫𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐗𝐞𝐞𝐫𝐤𝐚 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐀𝐬𝐥𝐮𝐮𝐛𝐭𝐚 𝐉𝐒𝐋:
Wasiirka Wasaaradda Caddaalada JSL, Mudane Yoonis Axmed Yoonis iyo ku-xigeenka Garyaqaanka Guud, ahna ku-simaha, Mudane Garyaqaan Mubaarig Maxamuud Cabdi (Fallaag) ayaa Golaha faahfaahin ka siiyey muhimadda iyo ujeeddada Xeerka Ciidanka Asluubta JSL.
Wasiirka Caddaaladda JSL waxa uu xusay in Wasaaraddu ay dhammaystirtay Xeerkan oo ah Xeer muhiim u ah Qaranka, Ciidanka Asluubtuna uu muddo dheer baahi weyn u qabay, maadaama uu yahay Xeer uu waajibiyey Dastuurka JSL qodobkiisa 124-aad. Wasiirku waxa uu iftiimiyey ujeeddada Xeerka, taasoo ah maamulka Ciidanka Asluubta, qeexitaanka qaab-dhismeedka, awoodaha, waajibaadkooda, masuuliyadaha,
xuquuqaha, hannaanka dallacaadaha iyo anshax marinta xubnaha Ciidanka Asluubta.
Wasiirku waxa uu Golaha ka codsaday in ay soo darsaan Qabyo-qoraalka Xeerka Ciidanka Asluubta JSL, taladoodana ku biiriyaan.
𝟑. 𝐑𝐨𝐨𝐛𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ň𝐨, 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐚𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐚𝐲 𝐤𝐮 𝐲𝐞𝐞𝐥𝐚𝐧 𝐤𝐚𝐫𝐚𝐚𝐧 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝, 𝐢𝐲𝐨 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫-𝐠𝐚𝐫𝐨𝐰𝐠𝐚 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧 𝐲𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐚𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐚𝐲 𝐤𝐡𝐮𝐬𝐚𝐲𝐬𝐨:
Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ka arrinsaday roobabka la saadaalinayo ee ka dhasha saamaynta El Niño (dhacdo cimilo), iyo khataraha ay xaaladdaasi ku yeelan karto dalka, gaar ahaan deegaanka, xoolaha, beeraha iyo bulshada nugul.
Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, Mudane Cabdilaahi Cismaan (Geeljire) iyo Wasiirka Horumarinta Beeraha, Mudane Aadan Geedi Qayaad ayaa Golaha ka hor jeediyey warbixinno ku saabsan saamaynta El Niño, xaaladda cimilada iyo diyaar-garowga looga baahan yahay Hay’adaha ay khusayso, si loo yareeyo khataraha fatahaadaha, daadadka iyo waxyeellada ka dhalan karta roobabka xooggan.
Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay bulshada ugu baaqaysaa feejignaan, diyaar-garow iyo wada-shaqayn, iyada oo hay’adaha ay khusayso lagu dhiirrigelinayo in ay qaadaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah ee lagula tacaalayo xaaladdan iyada ah.
𝟒. 𝐃𝐨𝐨𝐝𝐝𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚: 𝐒𝐚𝐚𝐦𝐚𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢, 𝐝𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐠𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢 𝐞𝐞 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐛 𝐞𝐥-𝐌𝐚𝐧𝐝𝐞𝐛 𝐚𝐲 𝐤𝐮 𝐲𝐞𝐞𝐥𝐚𝐧 𝐤𝐚𝐫𝐭𝐨 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝
Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta ka dooday saamaynta amni, dhaqaale iyo ganacsi ee xaaladda marinka Bab el-Mandeb iyo colaadaha Bariga Dhexe ayvku yeelan karaan Somaliland, gaar ahaan dhinacyada amniga badda, isu-socodka ganacsiga, dekedaha, iyo dhaqaalaha dalka.
Goluhu waxa uu isla qaatay muhiimadda ay leedahay diyaar-garow Qaran, isku-duwidda Hay’adaha Dawladda ee ay khusayso iyo Qorshe midaysan oo lagula tacaalayo waxyeellada ka dhalan karta isbeddellada amni iyo dhaqaale ee gobolka, iyada oo la ilaalinayo xasilloonida, amniga iyo danaha mudnaanta u leh Jamhuuriyadda Somaliland.





