Fadhigii 72-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu Shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), oo uu wehelinayo Madaxweyne ku-xigeenka JSL, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa maanta ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada JSL.

Qodobbada lagaga wada hadlay Fadhiga 72-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada Jammhuuriyadda Somaliland waxa ka mid ahaa:

๐Ÿ. ๐—๐š๐š๐ฅ๐š๐๐๐š ๐†๐ฎ๐ฎ๐ ๐ž๐ž ๐€๐ฆ๐ง๐ข๐ ๐š ๐ƒ๐š๐ฅ๐ค๐š:

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, Mudane Cabdalle Maxamed Carab ayaa Golaha siiyey warbixin la xidhiidha xaaladda guud ee amniga iyo xasilloonida dalka, isaga oo sheegay in ammaanka guud ee dhammaan Gobollada dalka Jamhuuriyadda Somaliland uu yahay mid sugan, isla markaana aanay jirin wax qalalaase ama xasilooni darro ah nooc kasta oo ay tahayba, marka laga reebo fal dambiyeedyada maalinlaha ah ee ka dhex dhaca bulshada.

๐Ÿ. ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐—๐š๐š๐ฅ๐š๐๐๐š ๐ƒ๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ฅ๐š๐ก๐š ๐ƒ๐š๐ฅ๐ค๐š:

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha JSL, Mudane Cabdilaahi Xasan Aadan ayaa Golaha Wasiirrada warbixin ka siiyey xaaladda guud ee dhaqaalaha dalka.

Wasiirku waxa uu sheegay in maanta oo ay taariikhdu tahay 19.08.2026-ka si rasmi ah loo daah-furay Xeerka Maamulka Maaliyadda Qaranka, Xeer Lr.75, kaasi oo kaabis iyo wax-ka-beddel lagu sameeyey. Wasiirku waxa uu xusay in Xeerka Maamulka Maaliyaddu uu muhiim u yahay xoojinta nidaamka maamulka iyo maaraynta hantida ummadda, maadaama uu Xeerkani saldhig u yahay nidaam maaliyadeed oo dawli ah oo sharci ah, hufan, isla markaana leh isla-xisaabtan iyo daah-furnaan maaliyadeed.

Dhinaca kale, Wasiirku waxa uu Golaha la wadaagay in Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaaluhu ay diyaarisay nidaam cusub oo electronic ah oo loogu talagalay casriyeynta iyo midaynta maamulka iyo hab-raacyada Dukumentiyada qiimaha lacageed leh ee ay bixiyaan Wasaaraha iyo Hay’adaha Dawladdu, sida: Liisamada (Licenses), Ruqsadaha (Permits) iyo Shahaadooyinka (Certificates).

Wasiirku waxa uu Golaha la wadaagay diyaarinta Miisaaniyadda Qaranka ee 2027-ka, in Wasaaradaha iyo Hayโ€™adaha Dawladda loo diray Wareegtada diyaarinta iyo soo gudbinta Miisaaniyadda.

Ugu dambayn, Wasiirku waxa uu Golaha Wasiirrada la wadaagay booqasho hawleed uu ku tagay Berbera, si uu ugu kuurgalo hab-sami-u-socodka hawlaha iyo adeegyada Dekedda Berbera, isaga oo kulammo is-daba-joog ah (28.07 ilaa 08.08.2026-ka) la yeeshay Hay’adda Maamulka Dekedaha Somaliland, DP World, Rugta Ganacsiga iyo daneeyeyaasha Dekedda Berbera, kulamadaasi oo diiradda lagu saaray caqabadaha ka jira xagga dejinta iyo rogista badeecadaha saaran Doonyaha iyo Maraakiibta.

๐Ÿ‘. ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐—๐š๐š๐ฅ๐š๐๐๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐ˆ๐ฌ๐›๐ž๐๐๐ž๐ฅ๐ค๐š ๐๐ข๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐’๐ก๐ข๐๐š๐š๐ฅ๐ค๐š

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska JSL, Mudane Cabdiraxmaan Xasan Nuur ayaa Golaha Wasiirrada uga xog-warramay xaaladda iyo isbeddelka qiimaha shidaalka dalka.

Wasiirku waxa uu sheegay in qiimaha baatroolku uu kor u kacay, halka qiimaha naaftada aanu isbeddelin, taasoo daruuri u ah nolosha bulshada, sida wax-soo-saarka Warshadaha, gaadiidka dadweynaha, gaadiidka qaada Xamuulka iwm.

Wasiirku waxa uu Golaha u sheegay in korodhka qiimaha baatroolka uu ku xidhan yahay kaydkii dalka yaallay oo yaraaday iyo baahida loo qabo in si masuuliyad leh loo maareeyo kaydka haatan jira, inta laga sugayo shidaal cusub oo soo socda.

Wasiirku waxa uu xusay in Wasaaraddu ay si joogto ah ula socoto xaaladda, wadashaqayn dhawna la leedahay ganacsatada Shidaalka iyo Kaalmaha Shidaalka, iyada oo la isla qaatay in si taxaddir leh loo maareeyo kaydka jira, si loo xaqiijiyo joogtaynta adeegga, isla markaana laga hortago gabaabsi xagga Shidaalka ah, iyada oo mudnaan gaar ah la siinayo xasilloonida suuqa iyo ilaalinta danaha bulshada JSL.

Dhanka naaftada, Wasiirku waxa uu sheegay in uu dalka yaallo kayd ku filan muddada dhow, isla markaana la filayo in shidaal cusub soo gaadho dalka toddobaadka soo socda.

๐Ÿ’. ๐Œ๐ฎ๐ฌ๐ก๐ค๐ข๐ฅ๐š๐๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ญ๐š ๐š๐š๐ง ๐ก๐ž๐ฅ๐ข๐ง ๐ƒ๐š๐ซ๐ฒ๐ž๐ž๐ฅ ๐–๐š๐š๐ฅ๐ข๐ ๐จ๐จ ๐ฌ๐ข๐ข ๐›๐š๐๐š๐ง๐š๐ฒ๐ฌ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐ฌ๐š๐š๐ฆ๐š๐ฒ๐ง๐ญ๐š ๐š๐ฒ ๐ค๐ฎ ๐ฅ๐ž๐ž๐๐š๐ก๐š๐ฒ ๐›๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐š๐๐š:

Wasiirka Shaqada, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska JSL, Marwo Milgo Maxamed Cilmi (Milgo Sanbalooshe) iyo Wasiirka Diinta iyo Awqaafta, Mudane Sheekh Cabdullaahi-Baashe Daahir Jaamac ayaa si qoto dheer uga hadlay mushkiladda sii kordhaysa ee la xidhiidha carruurta aan helin Daryeel Waalid, iyaga oo muujiyey dareen iyo walaac ku aaddan masiirka nololeed iyo mustaqbalka ubadkan iyo saamaynta ay arrintani ku yeelan karto qaab-nololeedka bulshada.

Labada Wasiir waxa ay carrabka ku adkeeyeen in arrintani tahay masuuliyad wadareed, loona baahan yahay in Qaran ahaan, Caqiido ahaan iyo Sharci ahaanba wax laga qabto, bulshadana arrintan si dhab ah looga wacyigeliyo. Labada Wasiir waxa ay ku baaqeen in la xoojiyo ilaalinta carruurta aan helin Daryeelka Waalidka, la joogteeyo tallaabooyinka lagaga hortagayo arrimahan, si ay ubadkani u helaan daryeel nololeed, mustaqbal iyo masuuliyad Qaran oo ay mudan yihiin.

๐Ÿ“. ๐—๐š๐š๐ฅ๐š๐๐๐š ๐Š๐จ๐ซ๐จ๐ง๐ญ๐š๐๐š ๐ฆ๐š๐ ๐š๐š๐ฅ๐š๐๐š ๐๐ž๐ซ๐›๐ž๐ซ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐ ๐ฎ๐ฎ๐ ๐š๐ก๐š๐š๐ง ๐๐š๐ฅ๐ค๐š, ๐œ๐š๐ช๐š๐›๐š๐๐š๐ก๐š ๐ฃ๐ข๐ซ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐ฑ๐š๐ฅ๐š๐ฅ๐ค๐š:

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta JSL, Mudane Axmed Jaamac Barre ayaa Golaha Wasiirrada warbixin ka siiyey xaaladda korontada dalka, gaar ahaan magaalada Berbera, caqabadaha jira iyo xalalka loo baahan yahay.

Wasiirku waxa uu xusay in koronto joogto ah oo la isku hallayn karo ay muhiim u tahay horumarka dalka, gaar ahaan magaalada Berbera oo ah magaalo xeebeed leh cimilo aad u kulul, korontaduna ay tahay mudnaanta koowaad ee nolosha bulshada, Berbera oo ah xarun dhaqaale iyo ganacsi oo muhiim ah dalka.

Waxa uu tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la helo xalal waara iyo maalgelinta koronto joogto ah, la awoodi karo oo la isku hallayn karo, si loo daboolo baahida sii kordhaysa ee bulshada iyo koboca dhaqaalaha dalka.