Waxa aan xalay Washington D.C. kulan ballaadhan oo muhiim ah kula yeeshay Jaaliyadda Somaliland ee Woqooyiga Ameerika. Waxa aan uga mahadceliyey kaalinta mugga leh ee ay kaga jiraan horumarinta dalka, kobcinta dhaqaalaha, daryeelka bulshada iyo u doodista qaddiyadda aqoonsiga Somaliland. Waxa aan sidoo kale la wadaagay natiijooyinka iyo horumarka laga gaadhay kulamadii diblomaasiyadeed ee aanu Washington kula yeelannay masuuliyiinta Maraykanka, xubnaha labada Aqal ee Congress-ka iyo hay’adaha siyaasadeed ee saamaynta leh.

Waxa aan Jaaliyadda iyo guud ahaan Qurba-joogga Somaliland ugu baaqayaa inay mar walba ilaaliyaan midnimada iyo isku-duubnida, dalkoodana meel kasta si sharaf iyo masuuliyad leh ugu matalaan, kana qayb qaataan nabadda, xasilloonida iyo horumarka Qaranka. Aqoonsiga Somaliland waa xaq taariikheed iyo sharci ah oo hubaal dhammaystirmaya; waxaana dhammaanteen ina saaran waajib Qaran oo ah ilaalinta Qarannimadeenna iyo difaaca qaddiyaddeenna.