Warbaahintii dhamayd ee Qaranka ee Malaayiinka Doollar miisaaniyadoodu ahayd, TVgii Qaranka, Radio Hargeisa, Wargeyskii Dawan iyo Ilaa Faaladii Warka ee cantara-baqashta laga sii deyn jiray, ma waxaa muquuniyay oo u awwood sheegtay saddexdan Wariye ee dibad-meerka ah?
Waxaan shaki ku jirin in saddexdan Weriye ay qabsadeen dhegaha dadweynaha reer Laascaanood ee gudo iyo debedba jooga, isla markaasna ay muquuniyeen Warbaahintii Dawlada.
Waxaa muuqata inay Warbaahintii Dawladu ay ku fashilantay Wacyigelinta iyo ka qayb qaadashada deminta xiisada ka taaggan Laascaanood, balse ay saddexdan Wariye ku guuleeysteen inay dab ku shidaan arrinta Laascaanood oo ay gaadhsiiyeen dunida oo dhan.
Waxaa cadaatay inaan Warbaahinta Xukuumadu qorsho weyn lahayn ee ay u Xiniinyo weynayd UCID iyo WADANI ama Faysal iyo Cirro balse ay si foolxun ugu fashilantay middeynta shacbiga iyo Wacyigelinta Muwaadiniinta iyo ka qayb qaadashada nabadgelyada.
Waxa qoray