Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Xuseen Bashiir Xirsi, ayaa xadhigga ka jaray qaybta qalliinka ee Cusbitaalka Guud ee Hargeysa, taas oo la dayactiray lana qalabeeyey.

Dayactirkan ayaa suurto-gelinaysa in bukaanno badan ay helaan adeegyo qalliin oo tayo leh, isla markaana kor loo qaado hufnaanta, tayada iyo awoodda adeegyada qalliinka ee Cusbitaalka Guud ee Hargeysa.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Iyo Maamulka Cusbitaalka Guud ee Hargeysa ayaa mahadnaq iyo bogaadin u jeediyay dhammaan hay’adaha, shirkadaha iyo cid kasta oo ka qayb qaadatay hirgelinta mashruucan muhiimka ah, kaas oo faa’iido weyn u leh bulshada iyo horumarinta adeegyada caafimaadka.