
Maraykanka iyo Iran oo ay dhexdhexaadinayaan Pakistan, Qatar, iyo dalal kale oo dhowr ah, ayaa lagu wadaa inay maanta wada saxeexaan heshiis is-afgarad ah, kaas oo xabbad joojinta lagu kordhin doono muddo 60 maalmood ah, marinka Hormuz dib loo furi doono, wada xaajoodyada barnaamijka Nukliyeerka ee Iran ayaa bilaaban doonaan.
Ra’iisul wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif ayaa sheegay in labada dhinac ay uga dhow yihiin heshiis aan horay loo arag, isla markaana loo diyaar garoobay saxiixiisa qaab electronic ah.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sidoo kale sheegay in heshiiska maanta la saxiixi doono, isla markaana marinka Hormuz si degdeg ah loo furi doono dhammaan maraakiibta.
Waxa uu sidoo kale ka digay in haddii aan si degdeg ah oo dhameystiran loo dhaqan gelin heshiiskaasi ay suuragal tahay in mar kale la adeegsado awood ciidan.





