KuLan Madax-dhaqameedka & Haldoorka Habar-jeclo Goroda is geliyeen+Nuxurka wuxu ku hamaadey

Kulan xalay ay isugu yimaadeen aqoonyahanka, xildhibaannada iyo madax-dhaqameedka beesha Bariga Burco ayaa ka qabsoomay Hotel Damal. Kulanka oo ujeedkiisu in la iska waraysto xaaladda guud ee dalka iyo sidii looga qayb qaadan karo dejinta xiisadda siyaasadeed ee dalka ayaa ku soo dhamaaday natiijo la’aan kadib markii kooxo gaar ah ay marin habaabiyeen.

Koox madax-dhaqameed ah ee Burco uga soo kicintinay inay gacan ka gaystaan xiisadda mindi mindi ku taagta ah ee  u dhaxaysa mucaaridka iyo xukuumadda, ayaa kulankii ugu horreeyey la qaatay dhallinyaro iyo xildhibaanno ka soo jeeda deegaannadaas, hase yeeshee waxa markaliya lagu war helay in isbedel lagu sameeyey ajendaha kulanka oo lagu daray qodob ka hadlaya arrimaha xisbiga KULMIYE taasoo sababtay in buuq meesha ka bilaabanto, buuqaas oo markii dambe gaadhay heer ay isku gacan qaadaan xildhibaanno kulanka ka soo qaybgalay, sida ay ilo xog ogaal ah oo ka qayb-galay kulanka ay u sheegeen Somalilandtoday.com.

Madax-dhaqameedkan oo horeba uga gacan taagtay arrimaha xisbiga KULMIYE inay dhexgalaan ayaa markii xaalku halkaas marayay deganaan ku soo dabaalay xaaladda, waxaanay heshiisiiyeen labadii xildhibaan ee isku gacan qaaday madasha, kulankuna sidaas ayu uku dhamaaday iyadoo aan laga soo saarin wax natiijo ah ama qodobo ah.